Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Wafti kasocda Puntland oo booqday Bursaalax mudug

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Wafti kasocda Puntland oo booqday Bursaalax mudug

Postby FBISOMALIA » Fri Aug 26, 2011 5:04 am

Image

Bursalax:(Allpuntland)-Wafti kasocda Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed oo ay Horkacaysay Wasiirka Haweenka Iyo Hormarinta Qoyska Puntland Marwo.Caasho Geelle Diiriye ayaa booqday Beesha Bursaalax oo 62-KM ujirta magaalada Gaalkacyo kana tirsan degmada Galdogob ee gobolka Mudug, Waxaana Waftigan Markii ay tageen Bursalaax kusoo dhaweeyey dad weyne aad u badan, Saraakiisha Maamulka Iyo Taliyihii hore ee Booliska Puntland Gol.Axmed Xassan Cali (Afeey) Iyo xubno kale, Iyagoo markii danbena usii gudbay gudaha magaalada si ay qiimayn Iyo Kormeer ugu sameeyaan Xarumaha adeegyada Bulshada ee muhiimka ah.

Waftigu Waxay booqashadooda ka bilaabaan xarunta weyn ee Kuleejada Bursalaax halkaas oo ah xarun balaaran oo isugujirta qaybaha kaladuwan ee waxbarashada, Waxaana xaruntaas ay warbixin uga dhagaysteen Maamulkeeda oo sheegey inay ka koobantahay Dugsi hoose oo ay dhigtaan Dhowr Boqol oo Caruur ah, Qaybta jiifka, Qaybta cuntada, Qaybta Masaajidka, Qaybta Isboortiga Iyo Qaybo kale iyadoo xaruntanina ay tahay mid waxbarasho ee ugu balaaran ee ka jirta gobolka Mudug, Waftigu waxay kormeereen qaybaha kaladuwan.

Image

Wasiirka Haweenka ee Puntland ayaa la hadashay Caruurta wax ka barata dugsiga hoose dhexe ee Cirro ee Bursaalax taasoo loogu magac daray Jeneraal Cirro Sheekh Cismaan oo kamid ahaa Hogaankii hore ee ciidanka qalabka sida markii danbena kamid ahaa ragii toogashada uu kuxukumay maamulka Kacaanka ee dalka soo maray, Waxayna Caruurtaas ka codsatay inay ku dadalaan waxbarashadooda islamarkaansna ay ka shaqeeyaan sidii ay u noqon lahaayeen dad hormar gaara oo deegaankoodana caawiya, Waxaana ay amaantay Maamulka gacanta ku haya Caruurtan oo qaar agoon ah iyo Masaakiini ay kujiraan Iyadoo Gabdhaha xarunta dhigta ee Agoomaha ahna la siiyo Lacago ay Cunto ku gataan oo Maalin leh ah taasoo ay ku taageeraan Jaaliyada reer Muduga ah gaar ahaana kuwooda reer Bursaalax iyo Muslimiin kale.

Image

Waftigu Waxay sidoo kale Booqdeen Xarunta dugsiga sare ee Burar oo ah dugsi cusub ee sare kaasoo sanadkii labaad ay ardo ka qalin jabinayso, Waxaana Kormeer kadib ay Hoolka shirarka ee Dugsigaas kula kulmeen Maamulka Iyo Ardayda wax kabarata Dugsigaas oo ay kala hadleen sidii Waxbarashada loosii kordhin lahaa, Iyadoo Wasiirka Haweenka ee Puntland-na ay Ardaydaas u balan qaaday inay soo gaarsiin doonto Buugaag ka hadlaya hogaaminta wanaagsan oo ay iyadu qortay.

Image

Waxay Xubnaha Waftigu kormeereen Xarunta saldhiga ee Bursalaax oo imika qabyo ah, Dugsiyo kale, Xarunta degmada, Suuqa Haweenka Iyo goobo kale oo muhiim ah markii danbena waxay shirweyne balaaran la qaateen qaybaha maamulka, Dhalinyarada, Cuqaasha Iyo Waxgaradka Bursalaax kuwaas oo dawlada Puntland ku sheegey inaysan ku dadaalin inay wax tarto dadka Bursalaax iyagoo ku celceliyey in xataa Saanta maamulku ay Bursaalax ku yartaha, Waxayna Dhanka kale sheegeen in ay baahiyaha ugu daran ee deegaankaas ka jira yihiin Saldhiga Booliska oo qabyo ah taageerana ka raba dawlada, taageerista Isboortiga Iyo Waxyaabaha asaasiga u ah Nolosha, waxaana shirkaas kadib Waftigu ay u gudbeen meelo kale oo kamid ah dhulka Miyiga ah taasoo qayb ka ah kormeero ay Wasaarada haweenku ku samaynayso meelo badan oo kamid dhulka aanan helin taageerada dawlada ee Laamiga ka baxsan si loo ogaado baahiyaha Bulshada.

Image

quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Wafti kasocda Puntland oo booqday Bursaalax mudug

Postby quark » Fri Aug 26, 2011 9:59 am

:up:

User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: Wafti kasocda Puntland oo booqday Bursaalax mudug

Postby damu » Fri Aug 26, 2011 10:31 am

Marwo Caasha :clap:

Xamud.
Posts: 11173
Joined: Sun Mar 11, 2007 11:13 am
Location: Halabokhad,Mudug. Bunlayn

Re: Wafti kasocda Puntland oo booqday Bursaalax mudug

Postby Xamud. » Fri Aug 26, 2011 11:33 am

Manshallah, I think the Bursalaax project is one of the finest projects in the area :clap:

However these niccas are up to something :evil:

Aseelah-Raaida
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1590
Joined: Wed Apr 01, 2009 10:43 am

Re: Wafti kasocda Puntland oo booqday Bursaalax mudug

Postby Aseelah-Raaida » Fri Aug 26, 2011 3:33 pm

Manshallah, I think the Bursalaax project is one of the finest projects in the area :clap:

However these niccas are up to something :evil:
Up to what awowe :?

Amethyst
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1664
Joined: Sun Feb 08, 2009 10:12 pm
Location: Viva La Punt!

Re: Wafti kasocda Puntland oo booqday Bursaalax mudug

Postby Amethyst » Fri Aug 26, 2011 8:40 pm

Image
Carro so guduud, it's unbelivably orange... :shock:

However these niccas are up to something :evil:
Not necessary a bad thing, though. :D


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests