Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Tartanka Qur,aan oo soo Gabagaboobay & Golis oo Abaal Marino

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Tartanka Qur,aan oo soo Gabagaboobay & Golis oo Abaal Marino

Postby quark » Sat Aug 27, 2011 10:25 pm

Garowe ( RBC Radio ) : Xaflad Balaaran oo lagu soo xirayey Tartanka Qur,aanka ayaa ka Dhacday Masjidka Al-Huda ee Magaaladda Garowe Taasi oo ay soo Qabanqabiyeen Howlwadeenadda Tartankan,

Waxaana ka soo Qaybgalay Masuuliyiin ka socotay Golayaasha Dowladda Puntland ,Madxda Shirkadda Maalgelinaysa ee Golis ,Waalidiin ,Macalimiin, Arday & Marti Sharaf kale.

Xaflada ayaa Abaar marino ay Gudoonsiiyey Shirkadda Golis oo Gacan Fiican ka Geysatay Tartamayaasha oo Kaalimo kala Duwan ka Galay Qur,aanka .

Shiikh Qaasim Axmed oo kamid ahaa Macalimiinta Tartanka Haysay ayaa sheegay ahmiyadda uu leeyahay Tartanka Cilmiga oo ah mid lagu Dhiirigelinayo kor u Qaadidad Diinta & Guud ahaan Barashada Culuumta si loo Helo Dhalinyaro Firfircoon oo ku Dadala waxbarashada oo ay ugu Horeyso Diinta Islaamka.



Shiikh C/raxmaan Aw-Ciise oo ah Madaxa Gudiga Tartanka Qur,aanka Kariimka ah ee Bisha Ramadaan Loo Qabtay Ardayda Dugsiyadda Deegaanada Puntland waxaana u sheegay in uusan jirin Arday Dhacay Tartanka ee ay dhamaan Baaseen , C/raxmaan waxaa kaloo uu ku dhawaqay sida ay u Dhacday Natiijadda Tartanka oo ahayd sidaan.Ardayda ku Guulaysatay 3 Kaalimood ee ugu Horeeya

10 Jus ee Qur,aanka waxaana ay kala Yihiin.

* C/kariin Cali Cismaan waxaa uu Galay kaalinta 1aad waxaa uu ka yimi Waaciya waxaa uu keenay 97.5% Waxaana la siiyey Abaalmarin Lacageed 00 Dhan $600 00 Doolar ,Mobil ,kitaab Qur,aan oo Electronic & Boorsoweyn oo alaab ah.

* Micaad Maxamed Khaliif kaalinta 2aad ka yimi Boosaaso wuxuu keenay 96.5% Golis waxaa ay Gudoonsiisay Lacag Dhan $ 400 Doolar & Boorso Alaab ah .

* C/raxmaan Bader Khabiib Kaalinta 3aad waxaa uu ka socda Qardho waxaa uu keenay 95.5% waxaa uu Helay $300 oo Doolar oo Lacag ah & Boorso Alaab ah.

30 Jus ee Qur,aanka ayaa waxaa Galay 3 wiil oo kala ah:

1. Maxamuud C/raxmaan Samantar Magaalada Qardho waxaa uu keenay 97%Waxaana Shirkada Golis Gudoonsiisay Lacag Dhan $ 1000 ( Kun Doolar ) ,Mobil,Kitaab Qur,aan Electronic, & Boorso Alaab ah.

2. Xudayfi Iimaan Yuusuf oo ka socdan Magaalada Ufayn waxaa uu ku Guulaystay 96.5 % Golis ayaa siisay Abaar marin ah $ 600 oo Doolar & Boorso Alaab ah.

3. Cumar cismaan Cali oo ka socday Magaalada Bosaso Waxaana uu keenay 95.5% waxaa uu ku Tartamay 30 ka Jus ee Qur,aanka Kariimka ah waxaana ay shirkada Golis Gudoonsiisay. Lacag Dhan $ 500 oo Doolar & Boorso Alaab ah .

Ardayda aan Gelin Kaalimaha Hore ayaa Dhamaan laga Simay Lacag Dhan $ 50 Doolar oo Lacag ah & Boorso Alaab ah.

Sidoo kale waxaa Shirkadu Abaalmarino Gudoonsiisay Macalimiintii Gudiga ka ahayd Tartanka Hayey Mudadii uu socday .

Gudoomiyaha Shirkadda Golis C/casiis Guureeye Kaarshe ayaa isagoo ku Hadlayey Magaca Shirkadda Isgaarsiinta Golis waxaa uu jeediyey Hadal kooban oo munaasabadda la xiriira waxaana uu yiri Ma jirto Xaflad ka muhiimsan oo la Qiimeeyo waayo waxaa ay Barteen ilmahaan Xifdinta Qowlka ilaahay,C/casiis waxaa uu ku Booriyey Ardayda in ayHalkaa kasii wadaan Dadaalka Qur,aanka ay ugu jiraan .

C/casiis ayaa waxaa uu si Gaara ula Dardaarmay Barayaasha Qur,aanka in ay ula Dhaqmaan ilmaha si wacan oo dhiirigelinta Waxbarashada la xiriirta .waxaa kaloo uu Macalimiinta ugu Baaqay in ilmaha ku dhiirigeliyaan sidii ay Heer uga Gaari lahaayeen Kitaabka & Guud ahaan Diinta Barashadeeda.

Wasiirka Cadaaladda Arrimaha Diinta & Dhaqancelinta Eng, C/khaliif Xaaji Xasan (Ajaayo) ayaa Qaatay Hadalka waxaana uu u Mahadceliyey shirkadda Golis oo Gacan ka Geysatay & Gudiga Garsoorayaasha ka ahaa Tartanka ,wasiirku waxaa kaloo uu Xusay in loo Baahanyahay in Dhiirgelinta Ilmaha Tartamada Tacliinta Diini & Maadiba si loo Horumariyo Jiilalka soo koraya.

Wasiir Ajaayo waxaa uu Macalimiinta ku Booriyey in ay xiriir & Saaxiibtinimo u Muujiyaan Ardayda ay wax u dhigayaan .

Wasiirka Cadaaladda ayaa Baaq u Diray Waalidiinta Dibadaha ku nool in ay Baraan Diinta & Dhaqanka Dalka Ilmaha dalka dibadiisa ku dhashay si ay u Bartaan Dhaqankooda Luuqadooda & Diintooda.

Ugu Danbayntii wasiirku waxaa uu Bulsho weynta Reer Puntland ugu Baaqay in ay Gacanta isqabsadaan kana wada shaqeeyaan Horumarinta Cilmiga & Barbaarinta Caruurta Reer Puntland.

Gudiga Tartanka ayaa sheegay in aanu jirin Arday Dhacay Tartanka wallow ay ku kala sareen kaalimaha Hore Adaydan.

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Garowe
Image
Image
Image
Image
Image
Image

quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Tartanka Qur,aan oo soo Gabagaboobay & Golis oo Abaal Ma

Postby quark » Sat Aug 27, 2011 10:25 pm

mashallah

User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12573
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Re: Tartanka Qur,aan oo soo Gabagaboobay & Golis oo Abaal Ma

Postby XimanJaale » Sat Aug 27, 2011 11:51 pm

Mashallah :up:

Pwani
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 677
Joined: Tue Feb 22, 2011 4:11 am
Location: Take ur somalia and shove it up in ur black ass, im puntlander first mkenya second......
Contact:

Re: Tartanka Qur,aan oo soo Gabagaboobay & Golis oo Abaal Ma

Postby Pwani » Sun Aug 28, 2011 8:13 am

mashallah Golis may Allah swt reward u for that :up:

Aseelah-Raaida
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1590
Joined: Wed Apr 01, 2009 10:43 am

Re: Tartanka Qur,aan oo soo Gabagaboobay & Golis oo Abaal Ma

Postby Aseelah-Raaida » Sun Aug 28, 2011 8:29 am

Masha'allah Image !

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Tartanka Qur,aan oo soo Gabagaboobay & Golis oo Abaal Ma

Postby FBISOMALIA » Sun Aug 28, 2011 10:25 am

Masha'allah Image !
:up:

Amethyst
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1664
Joined: Sun Feb 08, 2009 10:12 pm
Location: Viva La Punt!

Re: Tartanka Qur,aan oo soo Gabagaboobay & Golis oo Abaal Ma

Postby Amethyst » Sun Aug 28, 2011 7:14 pm

Masha'Allah.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests