Page 1 of 2

Galkayo welcoms it's son PM Gaas

Posted: Tue Aug 30, 2011 5:22 pm
by damu
Gaalkacyo (RBC Radio):- Dadweynaha magaalada Gaalkacyo ayaa soo dhoweyn aad u balaaran u sameeyay wafdi balaaran oo uu horkacayo Ra’isulwasaaraha dowladda FKMG Soomaaliya Mudane C/weli Maxamed Cali, wafdigaasi oo ka soo ambabaxay magaalada Garowe ee caasimada Puntland.
Image
Gaadiidkii Ciidanka ee la socday Raysal wasaaraha
Wafdiga Ra’isulwasaaraha ayaa waxaa looga hortagay degmada Xarfo ee gobolka Mudug waxaana uu horay u soo maray deegaanada u dhaxeeya degmooyinka Xarfo iyo Gaalkacyo halkaasi oo ay diyaar ugu ahaayeen dadweyne farabadan oo ruxayay caleemo qoyan, calamada Soomaaliya iyo kan Puntland.
Image
Gaadiidkii Raysal wasaaruhu la socday
Dadweynaha ayaa iyagoo wata gaadiidka xaragada ee ay soo dhoweynta ugu talo galeen oo uu ku dhegan yahay sawirka Ra’isulwasaaraha waxay wafdiga Ra’isulwasaaraha uga hortageen banaanka magaalada Gaalkacyo iyadoo qaarkood ay uga hortageen degmada Xarfo, waxaana wafdiga Ra’isulwasaare Gaas loo soo galbiyay magaalada Gaalkacyo.
Image
Soo dhoweyn aad u balaaran ayaa loo sameeyay wafdiga Ra’isulwasaaraha oo ay ka mid ahaayeen Wasiiro ka socda dowladda FKMG, Safiirka Soomaaliya ee Geneva Mudane Bari-bari, Wasiiro ka socda dowladda Puntland iyo Saraakiil kale oo ka tirsan dowladda FKMG Soomaaliya kuwaasi oo haatan ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Image
Wafdiga Oo Socod ku maraya Deegaanka Cagaaran Ee Gobolka Mudug
Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa amaankeeda sugayay ciidamada madaniga ah ee dhowaan loo aas’aasay in ay ilaaliyaan amaanka xaafadaha, kuwaasi oo inta Ra’isulwasaaruhu magaalada ka soo galayay xiray wadooyinka isla markaana amaanka magaalada gacan bir ah ku qabtay.
Image
Ra’isulwasaaraha ayaa waxaa magaalada Garowe ka soo raacay ciidamo farabadan oo isugu jira kuwa ilaalada madaxtooyada iyo ciidanka PIS-ta, waxayna aad iyo aad u ilaalinayeen amaanka Ra’isulwasaaraha iyagoo markasta u diidayay in shacabka iyo Ra’isulwasaaruhu salaanta ay kala qaataan oo ay is dhexgalaan, waxaana qofkasta oo ku faraxsanaa in uu Ra’isulwasaaraha arko ama uu salaamo hor istaagayay ciidamada la socday.
Image
Waxgaradka Gobolka Mududg
Dr, C/weli Maxamed Cali ayaa soo maray deegaano farabadan oo dadku isa soo dhoobeen si ay u soo dhoweeyaan hase ahaatee lama uusan hadlin taasi oo ay ugu wacnayd markasta oo uu gaariga ka dego ciidamo ayaa isku geedaamayay oo dadkana ka celinayay isla markaana daqiiqado kadib ku amrayay in uu gaariga gudaha u galo.
Image
Raysal wasaaraha oo salaamaya waxgaradka
Ra’isulwasaaraha ayaa deegaanka Heema ku soo salaamay Shiikh Maxamed Shiikh C/laahi, wuxuuna sidoo kale markii uu yimid magaalada Gaalkacyo uu salaan ugu tagey Islaan Bashiir Islaan Cabdulle isagoo intaasi kadibna u gudbay kaamamka dadka barakacayaasha isagoo socodkiisa ku soo afmeeray koonfurta Gaalkacyo halkaasi oo uu ku soo salaamay madaxda maamulka Galmudug.
Image
Ugu dambeyn Ra’isulwasaare Gaas waxaa la dajiyay Aqalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed uu ku leeyahay magaalada Gaalkacyo, waxaana la filayaa in uu maalinta berito ah iyo wixii ka dambeeya uu aadi doono magaalada Muqdisho.
Image

Image

Image

Re: Galkayo welcoms it's son PM Gaas

Posted: Tue Aug 30, 2011 5:32 pm
by damu

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Re: Galkayo welcoms it's son PM Gaas

Posted: Tue Aug 30, 2011 5:37 pm
by Executive
PL :up:

Re: Galkayo welcoms it's son PM Gaas

Posted: Tue Aug 30, 2011 5:41 pm
by damu
Image

:clap: :clap: :clap:

Re: Galkayo welcoms it's son PM Gaas

Posted: Tue Aug 30, 2011 5:44 pm
by Executive
Who are you? :roll:

Re: Galkayo welcoms it's son PM Gaas

Posted: Tue Aug 30, 2011 5:45 pm
by abdalla11
LOL I don't think he will be going back to Xamar any time soon, but who can blame him? Will he go to Bari and some parts of SSC?

Re: Galkayo welcoms it's son PM Gaas

Posted: Tue Aug 30, 2011 6:05 pm
by tightrope
Image

Re: Galkayo welcoms it's son PM Gaas

Posted: Tue Aug 30, 2011 6:06 pm
by quark
:up: :up:

Re: Galkayo welcoms it's son PM Gaas

Posted: Tue Aug 30, 2011 6:14 pm
by Aseelah-Raaida
Image
Wafdiga Oo Socod ku maraya Deegaanka Cagaaran Ee Gobolka Mudug

"Waftigu Waxay sidoo kale soo dhawayn balaaran kala kulmeen dadweyne badan oo ku sugnaa deegaanka Cagaaran ee gobolka Mudug"

Image 8-)

Re: Galkayo welcoms it's son PM Gaas

Posted: Tue Aug 30, 2011 6:16 pm
by damu
Image
Wafdiga Oo Socod ku maraya Deegaanka Cagaaran Ee Gobolka Mudug

"Waftigu Waxay sidoo kale soo dhawayn balaaran kala kulmeen dadweyne badan oo ku sugnaa deegaanka Cagaaran ee gobolka Mudug"

Image 8-)
:clap:

i like the old name of the town better :mrgreen:

Re: Galkayo welcoms it's son PM Gaas

Posted: Tue Aug 30, 2011 6:16 pm
by damu
d/p

Re: Galkayo welcoms it's son PM Gaas

Posted: Tue Aug 30, 2011 6:22 pm
by Aseelah-Raaida
Damu,

Abaarey was a better name to be honest ,I preferred it but what can you do . Even reer abtigay changed the name "tuulo Buuryoqab" to "Tuulo Xarfo". :lol:

Re: Galkayo welcoms it's son PM Gaas

Posted: Tue Aug 30, 2011 6:25 pm
by tightrope
Who are you? :roll:
:?:

Re: Galkayo welcoms it's son PM Gaas

Posted: Tue Aug 30, 2011 6:26 pm
by damu
Damu,

Abaarey was a better name to be honest ,I preferred it but what can you do . Even reer abtigay changed the name "tuulo Buuryoqab" to "Tuulo Xarfo". :lol:
on my last stay in xarfo i almost got lynched for calling the place by it's old name :lol: :lol:

Re: Galkayo welcoms it's son PM Gaas

Posted: Tue Aug 30, 2011 6:26 pm
by FBISOMALIA
PL ha nolato soon PM will visit other puntland state like hiyelaand iyo sanaag iyo cayn iyo south sool iyo karkar iyo bari :up: