Postby FBISOMALIA » Thu Sep 01, 2011 6:27 pm
Wasaarada abniga Puntland oo Ciidan usoo dirtey Gaalkacyo iyo Wasiiro ku sugan magaalada
Bosaso(Puntlandi.com) Ciidan aan tiradooda la shaacin ayaa kusoo wajahan Magaalada Gaalkacyo, Ciidankaan ayaa galabta kasoo kicitimey magaalada Bosaso, waxeyna u socdaan Magaalada Gaalkacyo, waxeyna xoojinayaan ciidamo horey Dowladu u keentey Magaalada.
Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta iska hor imaad dhexmarey Ciidanka iyo Maleeshiyaad kasoo dhaliyey khasaare gaaraya 9 dhimasho ah iyo sodomeeye dhawac ah, xaaladuna aad ayey u cakirantahey sida aan wararkii u dambeeyey ku helney, oo waxaa laga cabsi qabaa in Ciidamadu ay mar kale galaan Xaafada Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo oo maanta iska hor imaadku ka dhacey.
Wasiirka Abniga Puntland Mudane Khaliif Ciise Mudan, Wasiirka Garsoorka iyo diinta Mudane Cabdikhaliif Shiikh Xasan(Ajaay), Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Cabdulaahi Warsame iyo Wasiirka Cabdiwali Xirsi ayaa hada ku sugan Magaalada Gaalkacy, waxaana jira dadaal iyo wada tashi ka socda magaalada.
Odoyaal ka mid kamid ah Beesha u badan Xaafada Garsoor ee Dagaalku ka dhacey ayaa aaminsan in howlgalka ay ciidanku wadaan uu yahey mid ka dhan ah isla beeshaas halka Dowladu aaminsantahey in Beesha ay Al-shabaab kusoo dhex dhuunteen, waxaana lahayaa Cadeymo sida ay sheegeen Howlwadeenada Dowlada iyo Gobolku.
Maamulka Dowlada iyo dhamaan Waxgaradka Gobolka Mudug ayaa horey isugu raacey in aysan beelna kasoo daba tagin ama difaacin ninkii la tuhmo ama Ciidanku soo xiraan, Beeshii isku deyda iney ishortaagto howlgalada ciidanka iyo Bileyskana talaabo laga qaado.
Dagaalkii maanta ayaa waxaa ku dhintey dad rayid ah oo 5 qof gaaraya, dumarna ku jiro halka labada dhinac ee dagaalamyey ay mid labo ka dhimatey, waxaa kaloo xaafada laga dareemayaa caaw degaansho la’aan iyo xaalad dagaal.