Xaalada Dagaalkii Ka Socday Magaalada Gaalkacyo Iyo Maamulka Galmudug oo Ka Hadlay
September 2, 2011 // Warar Somaali
Waxaa soo badanaya khasaaraha lixaadka leh ee ka dhashay Dagaalada ka dhacay magaalada Gaalkacyo, maalintii labaad oo xiriir ah.
Dad ka badan 28 qof ayaa ku dhintay dagaalka halka dhaawacu uu gaarayo ilaa 150 kale 
oo qaarkood la gaarsiiyey xarumaha caafimaadka magaalada Gaalkacyo ee Waqooyiga iyo Koonfurta. Waxaana wadooyinka qaar ee magaalada lasoo sheegayaa meydad yaala hareeraha wadooyinka, oo aan wali fursad lagu qaado loo helin.
Dagaalkii ka dhacay saaka magaalada ee joogsaday xilligii duhurka, ayaa dib mar kale u qarxay kadib markii ay soo dhamaatay salaadii jimcada, waxaana si weyn looga maqlayaa guud ahaan Gaalkacyo diryanka madaafiicda, iyo huba boobayaasha ee ay isticmaalayeen kooxaha kasoo horjeeda ciidamada dowlada iyo waliba darwiishta Puntland.
Dagaalka oo kusii siqay fariisimaha ay maamulaan maamulka Galmudug,
waxana muuqata in looga itaal roonaaday maleeshiyo qaab qabiil isku baheystay oo ciidamada dowlada kasoo horjeeda.
Ciidamada Puntland ayaa lasoo sheegayaa inay haatan gacanta ku hayaan guud ahaan xaafada garsoor oo uu maanta dagaalka xoogiisu ka socday islamarkaana meesha laga saaray inta badan maleeshiyadii dagaalamaysay.
Waxaana haatan xasilooni laga dareemayaa goobihii lagu dagaalamay shalay iyo maanta, mana muuqato wada xaajoodyo socda oo lagu daminayo dagaalada soo noq-noqday.
Duqaymo waxyeela geystay ayaa ku dhacay dhismayaal dhawr oo uu kamid ahaa Hotel Kaah iyo City Center waxaana la tilmaamayaa in burbur xoogan uu daarahaasi soo gaaray.
Meelaha qaarkood waxaa lasoo sheegayaa in loo geystay bililiqo aan sidaas u badnayn, waxaana gebi ahaanba Gaalkacyo gashay mid kamida dagaaladii ugu xumaa ee in dhowaalaba ka dhaca magaalada.
Qoysas badan ayaa isaga barakacay goobihii uu dagaalku saameeyey, iyadoo dadka qaarkiisna isagaba soo carareen guud ahaan Gaalkacyo, iyagoo u hayaamay magaalooyinka kale.
Dhanka kale madaxweynaha Galmudug Axmed Caalin ayaa saxaafada u sheegay in dagaalku uu dhankooda soo fiday, islamarkaana dhaawacyo faro badana la jiifiyey xarumaha caafimaad ee qaybtooda ku yaala.
Caalin wuxuu kaloo sheegay in dagaalka u dhaxeeyo qabiilooyin, waxaana jirta ayuu yiri gurmadyo ka kala yimid meela kala duwan, oo ilaa baadiyaha laga soo gurmanayo.
Caalin ayaa ku eedeeyey in Puntland ay joojiso awooda ay u isticmaaleyo duqaymaha ka socda magaalada, isagoo ku goodiyey in maamulkiisu aanu faraha ka laaban doonin, hadii uu ku soo fido dhankooda dagaalka.