
Waxaa gabagabo ku dhow dhismaha Xabsiga weyn ee magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar , kaas oo in mudo ah dhismihiisu uu soo socdey.
Xabsigan oo ah mid ku fadhiya dhul baaxadiisu ay aad u weyntahay ayaa noqonaya kan ugu weyn degaanada Puntland waxaana dhismihiisa la bilaabay xiligii Maxadweyne Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) , iyadoo dhismihiisana ay si wada jir ah isaga kaashadeen Maamulka gobolka Karkaar iyo Hay’adda Qaramada midoobey u qaabilsan horumarinta ee UNDP oo iyadu kharashka ku baxaya ku deeqday.
Duqa degmada Qardho Maxamed Siciid (Hogaama laroor) oo arimahaas iyo arimo kale oo ku saabsan Mashaariic horumarineed oo degmada laga wado aanu wax ka weydiiney ayaa noo sheegay in dhismaha Jeelka weyn ee Qardho uu gaba gabo ku dhow yahay lana qorsheeyey in 4-bilood kadib uu si toos ah u shaqa bilaabo.
Dhanka kale Mudane (Hogaama laroor) ayaa ka warbixiyey dayactir uu maamulka degmadu ku samayn doono qaar kamid ah wadooyinka dhex mara magaalada Qardho , wuxuuna sidoo kale xusay inay qorsheynayaan mustaqbalka dhow inay dayactir kusameeyaan wadooyinka aada dhulka miyiga ah kuwaasoo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo ay adag tahay in gaadiidku ay si fudud ku maraan.
Ugu danabyntii Duqa Qardho ayaa baaq nabadeed oo ku aadan sidii loo soo afjari lahaa colaada kasoo cusboonaatay miyiga degmada Rako , u diray labo beelood oo uu halkaas dagaal dhimasho yo dhaawac sababay uu ku dhex maray.
Wuxuuna intaas ku daray in nabadu ay lagama maarmaan u tahay cid walba , si horumar iyo baraare loo gaarana lagu khasban yahay in nabadda si wada jir ah looga wada shaqeeyo.
Si kastaba ha ahaatee Jeelka magalada Qardho oo ku yaala duleedka xaafada Xorgoble ayaa marka lasoo gaba gabeeyo noqon doono mid wax badan ka tara howlaha laamaha amaanaka ee gobolka Karkaar iyadoo xiligan maxaabiista lagu xukumo gobolka Karkaar loo dhaadhiciyo Jeelka (Gaalshire) ee ku yaala xarunta ganacsiga iyo dhaqaalah Puntland ee Boosaaso.
http://horseedmedia.net/2011/09/30/dhis ... o-ku-dhow/
I think this might be the biggest prison in Somalia







