Boosaaso (RBC) Wararka naga soo gaaraya degmada Qardho ee gobolka Karkaar ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 ruux ay dhinteen ruux lixaadna uu ku dhaawacmay ka dib markii maleeshiyaad hubeysan ay rasaas la beegsadeen dad ku sugnaa labo goobod oo kala duwan oo ah gudaha degmada Qardho.
Dhacdada hore ayaa ka dhacday Bartamaha magaalada Qardho meel u dhow halka loo yaqaano ‘Doonta Xaaji Kheyr’ halkaasoo niman hubeysan ay ku toogteen 4 ruux, iyagoo ruux kalana dhaawacay.
Intaa ka dib ayaa sida Raxanreeb ay ka soo xigatay dadka deegaanka waxaa nin ku hubeysan qoriga AK-47 uu haddana bartamaha magaalada ku toogtay wiil dhalinyaro ah kaasoo aan wax hub ah sidan.
Meydadka shanta ruux iyo ninka dhaawaca ah ayaa loo qaaday isbitaalka guud ee degmada Qardho. Waxayna arintani sababtay xiisad ani dari iyo xaalada cabsi leh oo ka aloosatay gudaha degmada Qardho.
Waxaa xirmay ganacsigii magaalada iyadoo guud ahaan maanta oo Jimce ah aan degmada Qardho laga tukan Salaadii Jimcaha sababo la xiriirta cabsi dadku ka qaadeen in falalkan dilalka ah ee maanta ka dhacay magaalada ay horseedaan aargoosi qabiil.
Gudoomiyaha gobolka Karkaar Cabdiquraan Maxamed Aadan oo ay Raxanreeb la xiriirtay ayaan ka jawaabin telefoonkiisa.
Hase yeeshee qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka degmada ayaa duhurnimadan bilaabay dadaal ay ku qaboojinayaan xiisadan maanta ka taagan magaalada Qardho, sida ay noo sheegeen odayaasha qaarkood oo ay noo suurtagashay inaan telefoonka kula hadalno.
MAGACYADA DADKA LA DILAY:-
1- Maxamed Bile Heenseeye
2- Raage Siciid Sirqo
3- Maxamed Dhalawaas
4- Maxamed Gurey Casayr
Ninka shanaad magaciisa way noo suurgali weyday inaanu helno.




