Waxaa shalay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ka dhoofay ciidamo ka tirsan Puntland kuwaas oo tababar ugu baxay dalka ay Soomaaliya ciidamadu ka joogaan ee Uganda.
Askartan oo ay tiradoodu 150 tahay ayaa waxaa socdaalkooda Horseed Media u xaqiijiyey afhayeenka dowladda Puntland Axmed Cumar Xirsi ( Libaax Joorre) wuxuuna sheegay in ciidamadaasi ay u dhoofeen dalka Uganda halkaas oo ay tababar ciidan kusoo qaadan doonaan.
Afhayeenka Xukuumadda Puntland ayaa intaas ku daray in ciidamadii shalay Garoowe ka dhoofay oo ka tirsanaa Daraawiishta Puntland ay mudo u dhexeysa 9-6 bilood dalka Uganda kusoo qaadaan.
Ugu danbayntii Axmed Cumar Xirsi ayaa sheegay in xiligan saxaafada uusan arintaas wax faah faahin ah kasiin karin , wuxuuse balan qaaday in dhowaan uu saxaafada si buuxda arintaas ugaga warbixin doona.
Shalay ayey ahayd markii 150-askari oo Daraawiishta Putnland ka tirsani ay Garoonka diyaaradaha ee Garoowe ka dhoofeen iyaga oo kusii jeeda dalka Uganda oo ay tababar kusoo qaadan doonaan.
Ma ahan markii ugu horeysey oo ay Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada Puntland tababar ugu baxaan dalka Uganda , haseyeeshee waxaa jirey dhowr mar oo sidan oo kale ay dalka Uganda tababr kusoo qaateen.
Horseed Media



