Waxaa maanta meel u dhow kaantaroolka Waqooyi ee magaladda Garowe ee caasimadda dowladda Puntland lagu toogtey marxuun C/laahi Isqaaq Cali oo dhawaan maxkamadda darajadda koowaad ee magaladda Garowe ayaa ku xukuntey dil toogasho,kadib markii uu qirtey in uu maglaadda Galkacyo ku diley dad masuuliyiin ah, uguna danbeeyey nabadoon Xasan Waloore.
Qasaasta ayaa waxa fuliyey mid kamid ah wiilasha nabadoon Xasan Waloore,ayadoo madasha dilka toogasho ay ka dhacey ay joogeen masuuliyiin ay kamid yihiin maamulka gobolka,kan dagmadda,gudoomiyaha maxkamadda darajadda kowaad ee magaaladda Garowe iyo saraakiil ka tirsan ciidamadda Booliska ee Puntland.
Gudoomiyaha gobolka Nugaal C/xirsi Cali oo saxafadda la hadley kadib dilka toogasho ayaa sheegey in tani ay tahey mid kamid ah qorshayaasha dowladda Puntland uga dagan kooxaha dilalka naxariis darada ah ka gaysta deegaanadda Puntland ayadoo cidii qof muslim ah si sharci daro ah ku dishana lamarin doono halka maanta la marsiiyey marxuun C/laahi Isaaq Cali.
Ninka maanta la toogtey ayaa dhawaan ciidamadda la dagaalanka argagaxisadda ee Puntland waxa isaga iyo qof dumar ah ay ka soo qabteen magaladda Galkacyo ,isagoona maxkamadda ka hor qirtey in uu dilal farabaddan ka gaystey magaladda Galkacyo islamarkaana looso adeegsan jirey,dowladda Puntland ayaa falalka amni daro ee ka dhaca magaaladda Galkacyo ku eedaysa kooxdda Alshaab.








