100-arday oo ka Qalin jebiyey Machadka farsamada gacanta ee Boosaaso
Waxaa maanta Machadka farsamada gacanta ee magaalada Boosaaso ka dhacday Munaasabad balaaran oo shahaadooyin iyo abaal marino kala duwan lagu gudoonsiinayey arday tira badan oo Machadkaas ka qalin jebiyey.
Ardaydan oo ay tiradoodu 100-arday ahayd ayaa waxaa xafladii shahaadooyinka lagu gudoonsiinayey oo ka dhacday isla hoolka shirarka ee Machadka farsamada gacanta ee Boosaaso (B.V.T.C) kasoo qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo Wasaaradda Waxbarashada , Waxgarad , iyo Saraakiil ka socdey Hay’adaha Bayofit iyo Copy.
Ugu horeyn Waxaa munaasabadaas ka hadlay Axmed Naasir Cismaan oo ku hadlayey magaca maamulka Machadka isagoo si faah faahsan uga warbixiyey Marxaladihii kala duwanaa ee uu Machadkaasi soo maray , wuxuuna intaas ku daray in Machadku uu yahay mid bulshada oo dhan u dhexeeya islamarkaana uu hoostago Wasaaradda waxbarashada Puntland.
Axmed Naasir oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Machadka farsamada gacanta ee magaalada Boosaaso uu yahay kan ugu weyn deegaanada Puntland marka la eego dhanka dhismaha iyo qalabka , wuxuuna sidoo kale sheegay in Mashruuca lagu tababaray Ardaydan ay gacan ka siiyeen Hay’adaha EDC iyo USAID islamarkaana uu qayb ka yahay barnaamijka (Shaqodoon).
Axmed Naasir oo ku hadlayey afka maamulka Machadka (B.V.T.C) ayaa ugu danbeyntii ku booriyey Ardayda tababarka loo soo xiray in ay ka faa’iideystaan aqoonta ay barteen si ay nolol maalmeedkooda ugu soo dhacsadaan , wuxuuna intaas ku daray in dabagal lagu sameyn doono si loo hubiyo in Macluumaadkii la siiyey ay uga faa’iideysteen sidii loogu tala galay.
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Bari Yuusuf Muumin Bidde oo isna ka mid ahaa Mas’uuliyiintii munaasabadaas lagu casuumay oo isna madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday ka hadalka qiimaha ay bulshada u leeyihiin barashada Xirfaduhu , isagoo dhanka kale ugu baaqay ardaydii tababarka 6-da bilood soconayey loo soo xiray in aqoontii ay barteen ay dalka iyo dadkaba uga faa’iideeyaan.
Ma ahan markii ugu horeysey oo ay arday tiradoodu intaas le’eg tahay ay ka Qalin jebiyaan machadka farsamada gacanta ee magaalada Boosaaso , waxayna ardayda maanta shahaadooyinka la gudoonsiiyey oo mudo 6-bilood ah wax soo baranayey islamarkaana tiradoodu tahay 100-arday isugu jiraan kuwo bartay farsamooyinka gacanta , iyo maamulka xafiisyada.















