Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

1500 PL police man under training in carmo

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

1500 PL police man under training in carmo

Postby FBISOMALIA » Sun Oct 23, 2011 10:59 am

Carmo, Oct, 22- Dawladda Puntland ayaa tababar usoo xiray ciidamo katirsan booliska Puntland oo muddo sadex bilood ah tababar uga socday kuliyadda ciidanka booliska Soomaliyeed ee degmada Carmo ee gobolka Bari.

Munaasabada lagu soo xirayay tababarka oo ka dhacday degmada Carmo ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin katirsan dowladda Puntland oo ay ka mid yihiin wasiirka amniga dawladda Puntland Col: Khaliif Ciise Mudan, wasiiru-dowlaha sharciga madaxtooyada Gen.Yuusuf Axmed Khayr, taliyaha ciidanka booliska Puntland Gen: Cali Nuur Cumar iyo saraakiil kale.

Guddoomiyaha degmada Carmo ee tababarka uu kasoconayay muddooyinkii ugu dambeeyay mudane Xuseen Cawad Cali oo waraysi siiyay Radio Dalijir ayaa waxaa uu sheegay in tababarkan loosoo gabagabeeyay 1500-oo askari oo ka tirsan ciidamada booliska Puntland, waxaana uu sheegay tababarkaan inay dhanka maaliyadda ay ka caawinaysay hay'adda QM u qaabilsan hormarinta hay'adda UNDP.

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay, inay dhowaan rajaynayaan in tababar loogu qabto kuliyadda ciidanka ee degmada Carmo saraakiisha ciidanka booliska dawladda Puntland, waxaana uu intaasi raaciyay inay tababaradu la xiriiraan baarista dambiyada, sugidda amniga, xiriirka ciidanka iyo shacabka, iyo xeerarka kale duwan ee booliska.

Kuliyadda Ciidanka booliska Soomaliyeed ee degmada Carmo ayaa sidaan oo kale horay tababar ciidan loogu sameeyay ciidamada booliska Puntland iyo Ciidan ka tirsan dowladda Faderaalka ee Somaliya.

Maxamuud Cabdi Ibraahim
Radio Daljir-Bossaso

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: 1500 PL police man under training in carmo

Postby FBISOMALIA » Sun Oct 23, 2011 12:03 pm

Carmo:(Allpuntland)-In kabadan 1500 oo askari oo qayb ka ah ciidamada booliska Puntland ayaa tababar loogu soo xiray degmada carmo ee Gobolka Bari,kuwaas oo muddo dhan 3 bilood uu tababar uga soconayay Kulliyada ciidanka booliska Soomaaliyeed ee degmada Carmo.

Xaflada tabarka loogu soo xirayay ciidanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa,Madax uu horkacayey Wasiirka Amniga ee Puntland Gol.Khaliif Ciise Mudan ayna kamid ahaayeen Wasiirka Dalxiiska iyo duurjoogta Puntland Cabdiqani Yuusuf Cadde, Wasiiru-dawlaha Sharciga ee aqalka madaxtooyada Jen.Yuusuf Axmed Kheyr, Taliyaha guud ee ciidamada Booliska iyo dhaqancelinta Puntland Gol.Calinuur Cumar Saalax iyo saraakiil kale oo ka tirsan laamaha amaanka Puntland.

Taliyaha guud ee ciidamadda Booliska iyo asluubta Puntland Cali Nuur Cumar Saalax oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in ciidanka tabarka loo soo xiray ay ka qayb qaadan doonaan xoojinta amaanka deegnaadda Puntland,waxaana uu xusay in ay gudan doonaan waajibaadka shaqo ee horyaala.

Wuxuu intaas ku daray in ciidamada la baray waxyaabo badan oo ay ugu muhiimsanayd,hannaanka dambiga loo baaro,qaabka looga hortago dambiga, qaabka looga daba tago iyo waxyaabo kale oo ay kujiraan qaabka ugu Wanaagsan ee loola dhaqmo bulshada islamarkaasna loo hagaajin karo xiriirka bulshada iyo Ciidamada.

Ciidamadan tababarka loogu soo gabagabeeyey xarunta guud ee tababarka ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa markii loosoo gabagabeeyey kadib mid mid loogu qaybiyey kaararka aqoonsiga caalamiga ah ee ciidamada aduunka lagu yaqaano kuwaasoo qaab Computer ah loogu sameeyey iyadoo saraakiisha ciidanka booliska Puntland ee xiritaanka tababarkaas joogtay ay sheegeen in aqoonsigani uu yahay mid aan la sawiri Karin ama iyagoo macmil ah la samayn karo taasoo noqonaysa markii ugu horaysay ee ciidamada booliska Puntland qaybo kamid ah la siiyo kaarkarka sawirka aqoonsiga leh ee ay ciidamada boolisku ku howlgalaan taasoo burin doonta in ay cidkasta hada kadib iska xirato dharka ciidamada, Sidoo kalena Isla Carmo waxaa tababar loo furay ciidamo badan oo iyana kamid ah kuwa Booliska Puntland kuwaasoo iyana baranaya shuruucda caalamiga ah ee Boolisyada Aduunka.

Xafiiska Wararka Allpuntland, Boosaaso

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: 1500 PL police man under training in carmo

Postby FBISOMALIA » Sun Oct 23, 2011 12:06 pm

PL new achievements and first time been used in all somalia include 18 gobols is every new police man would have Police ID electronic hard to make copy of it so the citizen will know that he is real police man not a terrorist, guul PL everyday puntland make us proud

quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: 1500 PL police man under training in carmo

Postby quark » Tue Oct 25, 2011 12:34 pm

:up:

User avatar
tightrope
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6581
Joined: Thu Jul 15, 2010 1:46 pm
Location: U MAD SOUTHIE?

Re: 1500 PL police man under training in carmo

Postby tightrope » Tue Oct 25, 2011 2:45 pm

:up:
Image ImageImage

User avatar
CismanMaxamud1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1824
Joined: Sun Jan 02, 2011 11:16 am
Location: SSDF/Kulmis

Re: 1500 PL police man under training in carmo

Postby CismanMaxamud1 » Wed Oct 26, 2011 7:42 pm

Image :up:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 1 guest