Dagmadda Laas-qorey ee gobolka Sanaag ayaa waxa lagu soo warmaya in shacabka deegaankasi iyo maamulka Puntland u qaabilsan dagmadda Laas-qorey ay meel uga soo wada jeesteen kooxaha Burcad badeedda ah iyo maraakiibta jariifka ah oo ay in mudo ah ka cabanayeen.
Halkan ka dhagaysoYusuf Jaaac Dibad Duqa Laasqoray
Duqa dagmadda Laas-qorey Yuusuf Jaamac Dibad oo xaley la hadlayey idacadda Radio Garowe ayaa sheegey in tilaabadani ay timid kadib markii ay shir balaaran ka yeesheen iyaga iyo shacabka deegaanku sidii layskaga kaashan lahaa cidkasta oo wax u dhimaysa sharafta iyo hormarka dagmadda Laas-qorey oo ah dagmo caan ku ah Kaluunka.
Mudane Dibad ayaa sheegey in ay masuuliyiinta maraakiibta shisheeye u sheegen in aysan ogolayn in deegaanka Laas-qorey ay joogan islamarkaana ay ka baxaan,isagoo intaasi raaciyey dhaman kooxahaasi iminka dagmadda Laas-qorey laga sifeeyey.
Dhanka kale waxa uu xusey duqa dagmadda Laas-qorey in kaluumaystada deegaanku ay bilaabeen hawlahooda Kaluumaysi,waxaana uu sheegey in ay aad u liidato qalabka ay kaluumaysatadu wax ku jilaabtaan ama ku u gaarsadaan.



