Wafti balaaran oo ka yimi dalka Talyaaniga, isla markasna la socday madaxwaynaha
Dowlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad Faroole ayaa maanta
booqasho ku tagay isbitaalka magaalada garoowe iyo Jaamacadda PSU markii
ay soo gaareen magaalada Garoowe
Waftigaani ka socday Dalka Talyaaniga oo qayb ka ahaa Sarakiil la socotay Mudane
Faroole ayaa dhankiisa waxaa hogaaminyaya wasiiru dawlaha arimaha dibada
ee dalka Talyaaniga Alfredo Mantica iyadoona ay la socdaan sarakiil ka
shaqeeya xafiiskiisa.
Dhanka Dowlada Puntland wali wax war ah oo ku
saabsan imaatinka Waftigaani ka socda Talyaaniga kama soo bixin
iyadoona la sheegay waftigaani inay ahaayeen booqasho iyo indho indhayn
xaaladda degaanada Puntland ee soomaaliyeed .
Wasiiru dawlaha arimaha dibada ee dalka Talyaaniga
Alfredo Mantica oo inta uusan magaalada garoowe ka tagin ayaa waxaa uu
ka hadlay sida wanaagsan ee loosoo dhaweeyay isagoona amaan iyo mahad
celin hufun usoo jeediyay shacabka iyo masuuliyiinta dowlada Puntland
ayaa intaasi sii dabo dhigay Puntland inay ka mid tahay dhulalka ugu
nabdoon marka laga hadlayo Soomaaliya




















