Waxaa suuqyada magaalada Boosaaso iyo guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland maanta oo ay saacdo koobani ka harsan yihiin xiligii loo dabaal degi lahaa ciida barakysan ee Ciidul Adxa laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ganacsi oo aad u balaaran iyadoo suuqyada ay soo buux dhaafiyeen tobanaan kun oo qof oo doonaya in ay suuqa ka arad tirtaan si ay ugu diyaar garoobaan xuska maalinta dadka Muslimiinta ah aadka ugu weyn ee Ciidul Adxa.
Qaybaha kala duwan ee Suuqa magaalada Boosaaso ee lagu iibiyo badeecadaha ay dharka , kabaha , iyo qalabka caruurtu ku ciyaarto kamid yihiin ayaa maanta ah kuwa aad u mashquulsan waxaana suuqa lagu arki karaa walidiin tira badan oo daadahsanaya caruurtooda si ay ugu iibiyaan Dhar , Kabo , iyo qalabka caruurtu ku ciyaarto si ay farxadooda ula qaybsadaan Malaayiinta ilmood ee beri dunida Islaamka ku Ciidaya.
Sidoo kale waxaa maanta oo kale aad mashquul u ah meheradaha lagu gado mac macaanka Xalwadda iyo Buskudku ay kamid yihiin , iyadoo ay buux dhaafiyeen dadweyne tira badan oo doonaya in ay ka gataan mac macaankii ay ku marti soori lahaayeen qaraabada iyo asxaabta beri marka xilliga Ciida la gaaro guryahooda ku soo booqan doona.
http://horseedmedia.net/2011/11/05/suuq ... an-sawiro/











