Afhayeenka isimada Puntland Garaad Cabdilaahi Cali Ciid ayaa maamulka Somaliland ku eedeyey in ay huriyeen dagaaladii toddobaadkii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Ceerigaabo,
Waxana uu xusay in ciidamada Somaliland ee halkasi ay joogeen ay isticmaaleen hub culus,waxuuna sheegay in dagaalka sid u dhacay iyo khasaaruhu inay kala yar yihiin taasoo oo uu ilaahay uga mahad naqay.
Garaad Cabdulaahi oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay inay socdaan da'daalo nabadeed oo ay wada wadaan cuqaasha dhamaan beelaha gobolkaasi degan,waxa ugu baaqay inay nabada ilaaliyaan ayna iska jiraan dabin kasta oo hurin kara nabad gelyo xumo.
Hadalka garaad Cabdulaahi Cali Ciid ayaa ku soo beegmaya xilli maalin ka hor ay dawladda Puntland warsaxfadeed ay soo saartay uga digtay Somaliland inay faraha kala baxdo faragelinta iyo abuurida qabiilada gobolka Sanaag wada dega.



