Xog rasmi ah:Madaxweyne Faroole oo ka noqdey go’aankii ciidamada Amisom lagu keeni lahaa Puntland
Posted by Pi on November 14th, 2011
Garowe(Puntlandi.com)Ka dib markii uu dareemey in shacabka Puntland ay si toosa ugasoo horjeedaan keenista Ciidamo shisheeyo, ka dib markuu uu si hoose ula tashadey Golaha Wasiirada iyo waxgaradka Deegaanka wuxuu Madaxweyne Faroole go’aansadey isagoo wada tashi gooni gooni ah la yeeshey Xukuumada inuu kansalo qorshihii lagu keenayey Ciidamada Amisom deegaanada Puntland.





