I think this is all related to that JPLG program happening. Garowe is all of a sudden doing this on the same day
GAROOWE : Waddooyin cusub oo la hagaajinayo (Sawiro)
November 14, 2011 11:22 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor
Garoowe:-Waxaa iminka socda hagaajinta iyo habaynta 2 waddo oo muhiima kuwaas oo la saaraayo Jay waxaana bixiyay dhaqaalaha ku baxaya UNDP iyo hay’ado kale oo loo yaqaan Joint Progaram waxaana hawsha wadda Dawladda Hoose ee Garoowe.
Wadada Suldaan Garaase oo la hagaajinayo
Qaasim Maxamed Cabdi Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmadda Garoowe ayaa Puntlandpost u sheegay in waddooyinkan ay qayb ka yihiin mashaariic la doonayo in la dhamaystiro inta ka hartay sanadkan waxaana uu sheegay in hadda la bilaabay habaynta waddooyinka loo yaqaan Suldaan Garaase iyo midda wadajir ee loo yaqaan shaaricul khaawi kuwaas oo ah waddooyin dhaadheer oo muhiim ah.
Qaasim Maxamed Cabdi Xoghayaha Dawladda Hoose
Qaasim, ayaa wuxuu kaloo sheegay in ay samaynayaan meelo qashinka lagu aruuriyo si loo ilaasho nadaafadda iyo bay’adda magaaladda kuwaas oo qayb-wayn ka qaadan doona nadaafadda magaaladda.
Waddooyinka la hagaajinayo iminka
Horay ayaa waxaa loo hagaajiyay 5 waddo kuwaas oo magaalada bilic iyo sumcadd ballaaran u soo kordhiyay Magaaladda Garoowe ayaa waxay caan ku tahay waddooyin waawayn oo qurxoon oo si toos ah iyo jiif ah u dhexmara magaaladda.
Puntlandpost.com