Garoowe:-Waxaa maanta garoonka diyaaradaha ee Garoowe yimid duulimaadkii ugu horeeyay ee Xujayda sanadkan kuwaas oo soo gutay Xajka sanadkan waxaana ay sheegeen in si nabadgalyo ah uu ugu soo dhammaaday.
Xujayda maanta timid ayaa waxaa ka mid ahaa Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Sheekh Cabdiqaadir Nuur kuwaas oo ka mid ahaa Malaayiinta Muslimiinta ah ee sanadkan xajiday, Sheekh Cabdiqaadir oo aan la sheekaystay waxyar kadib markii ay soo dageen ayaa ii sheegay in si guud uu ku dhammaaday si nabadgalyo ah oo aysan wax dhib ah la kulmin.
Puntland ayaa sanadkan waxaa ka soo xajiday 1200 oo qof sida ay sheegeen shirkadaha diyaaradaha waxaana guud ahaan Soomaaliya ka soo xajisay in ka badan 10kun oo xujay waxaana la sheegay in sanadkan ay aad u badnaayeen Xujayda Soomaalida walow tiro aad u badana ay ku xajinayeen baasabooro shisheeye.
![]()







