Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Qardho New Mental Facility Opens

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
dagameison
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 334
Joined: Sat Jun 13, 2009 5:11 pm

Qardho New Mental Facility Opens

Postby dagameison » Fri Nov 25, 2011 10:09 am

Xarun lagu xanaaneeyo dadka qaba cudurada dhimirka ayaa laga furey Qardho [SAWIRO]
About:- 2 hours ago| 5 Commnets

Waxaa degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar laga furay xarun weyn oo loogu tala galay in lagu xanaaneeyo dadka dhimirka ka jiran ee qaba cudurka waalida.

Hirgelinta xaruntan oo ay si wada jir ah isaga kaashadeen Waxgaradka, Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta, iyo Qurbe joogta degmada Qardho ayaa shalay kulan ka dhacay xarunta degmada lagu doortay gudi 9-xubnood ka kooban oo iyaga maamulka xaruntaasi uu hoos tegi doono.

Shirkii gudigaas lagu dooranayey oo ahaa mid ay kasoo qayb galeen in badan oo kamid ah Guurtida iyo waxgaradka degmada Qardho ayaa waxaa shir gudoominayey Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi (Cade).

Waxaana kulanka shalay xarunta maamulka degmada Qardho ka dhacay uu ahaa mid lagu ansixinayey Gudigaas 9-ka xubnooda ka kooban oo iyaga si gaar ah loogu doortay inay ka shaqeeyaan islamarkaana maamulaan qaybaha ay xarunta xanaaneynta dadka dhimirka ka jiran ee Qardho laga furay ka koobnaan doonto.

Xubno ka tirsan Gudiga gaarka ah ee fulinta howshaas shalay loo doortay ayaa Horseed Media u sheegay in Xaruntaas laga furayo goob caafimaad oo dhowr sano kahor ay dhistay islamarkaana ay qalabaysay Hay’adda samafalka ee Manhal taas oo markeedii hore loogu tala galay in Isbitaal laga dhigo.

Waxayna sidoo kale sheegeen in ay ka koobnaan doonto labo qaybood oo kala ah qayb lagu xanaaneyn doono lana jiifinayo dadka aadka u xanuunsan iyo qayb kale oo loogu tala galay in ay si joogto ah daawada uga qaataan dadka ay xaaladoodu sahlan tahay.

Sababta ka danbeysa in xiligan la furo xaruntaas ayaa ah kadib markii koox aqoonyaho iyo dhakhaatiir isugu jira oo kami qurbaha una dhashay degmada Qardho ay qiimeyn ku sameeyeen heerka ay gaarsiisan tahay tirada dadka dhimirka ka jiran ee Qardho iyo gobolka karkaa ku sugan baaritaankaas oo ay ku ogaadeen in ay jiraan dad badan oo xanuunka waalida la il daran kuwaa oo intooda badani aanay lahayn cid daryeel u fidisa.

Furitaanka xaruntan cusub ayaa ku soo beegmaysa xili uu Puntland ku sugan yahay Dr.Cabbaas Jaamac oo takhasuus dheer u leh cudurada maskaxda, waxaana uu ka yimid dalka Maraykanka si uu gacan uga geysto dadka ka xanuunsan dhanka maskaxda kuwaas oo aan helin gargaarkii ay u baahnaayeen, waxaana Dr.Cabbaas ka hawl bilaabey magaalada Qardho isaga oo meelo kalena gaari doona.

Si kastaba ha ahaatee xarunta xanaaneynta dadka dhimirka ka jiran ee degmada Qardho ayaa noqonaysa tii ugu horeysey ee degmada Qardho iyo guud ahaan gobolka Karkaar laga furo todobaadka soo socda ayaana si rasmi ah xariga looga jari doonaa.

Horseed Media

Image
Image
Image
Image
Image

Keep it up I love the grass-root projects gets to the local people

quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Qardho New Mental Facility Opens

Postby quark » Fri Nov 25, 2011 10:55 am

mashallah :up:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 0 guests