GAROOWE : Aaragoosto iyo Kalluun laga dhoofiyay garoonka diyaaraha Garoowe
Garoowe:-Garoonka diyaaraha ee Garoowe ayaa maanta waxaa ka duulay Aaragoosato iyo Kalluun ay leeyihiin ganacsato reer Puntland ah waxaan loo iibgeeynayaa magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.
Aragoosatada iyo Kalluunka oo todobaadkan uu duulimaadkiisu socday ayaa maanta waxaa la dhoofiyay 15tan, waxaana qaaday diyaarad kuwa xamuulka qaada.
Maamulka garoonka Mr. Cabdirashiid iyo Mr. Yaasiin oo ku faraxsan Aaragoosatada dhoofaysa
Maamulaha iyo kuxigeenka maamulka garoonka diyaaradaha ee Garoowe Cabdirashiid Jaamac Maxamed iyo Yaasiin Xaaji Abshir ayaa waxay ii sheegeen in duulimaadkii saaka uu yahay kii 5-aad, waxayna sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in ganacsatadu ay isticmaalaan garoonka diyaaradaha ee Garoowe oo ay sheegeen in ay soo dhawayn kala kulmeen maamulka gaoroonka oo diyaar ah hawl fududaynta ganacsatada.
http://www.puntlandpost.com/pp/wp-conte ... 50x342.jpg
Maxamed Xaaji Xassan Kalluumayastada Puntland
Axmed Xaaji Xassan oo ah maamulaha shirkada 33 oo maanta dhoofisay Aaragoostada iyo Kalluunka ayaa Puntlandpost.com waxa uu warbixiyay isbadalka ballaaran ee ku dhacay wax soo saarkii badda iyo waliba isbadalka ku dhacay ganacsatadii badda ka shaqayn jirtay, wuxuu sheegay dhowr arimood ay sababtay wax soo saarkii oo aad u yaraaday kuwaas oo kala ah:
Dadkii badda ka shaqayn-jiray oo itnoodii badnayd burcad-badeed noqday oo joojiyay shaqadii badda.
Adeegyadii Badda loo isticmaali jiray ee wax soo saarka loo isticmaali jiray oo qaali noqday, sida Shidaalka, Matoorada, Gargoorka, Shabaagta, Saxiimadda iyo Xargaha, wuxuuna sheegay in ugu yaraan qofka shaqada bilaabaya uu u baahan yahay 3500 oo doolar.
Iyada oo aysan jirin Dawladd caawisa dadka oo ku taakulaysa in ay marka hore shaqada bilaabaan.
Maraakiib Jariif iyo kuwo kale ah oo badda ka gurta Khayraadka.
Dhammaan arimahan ayuu sheegay in ay sababeen in uu aad iyo aad u yaraado wax soo saarkii badda, wuxuuna sheegay in ay filayaa in marba marka ka dambaysa in uu sii yaraanayo.
Dakhliga labaad ee marka laga soo tago Xoolaha nool ayaa waxaa ahaa wax soo saarka badda a hor inta aysan bilaaban Burcad-badeeda oo aysan imaan maraakibta shisheeye ee NATO ee ku andacooda in ay la dagaamayaan burcad-badeed.