Galkacyo(Puntlandi.com);- G/Dhexe Jaamac Axmed Maxamed (Sandaqad) taliyaha cusub ee Bilayska Gobolka Mudug ayaa maanta lawareegay xilka taliyaha qaybta waxaana ku wareejiyay taliyihii Q.Policka Gobolka Mudug G/sare C/rashiid Cadceed Gelle Dhaylo’aad.
Munaasabad balaaran oo ka dhacday xarunta taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug oo ay kaqaybgaleen mamulka Gobolka iyo saraakiisha ciidamada amaanka Gobolka.
Taliyihii Qore ee Bilayska Gobolka Mudug ayaa si rasmiya xilka ugu wareejiyay masuulka cusub ee xilka loo dhiibay waxaana uu ku wareejiyay guud ahaan agabka Policka Gobolka oo dayac iyo tayo xumo baahsan kamuuqato.
Madaxda Gobolka uu ugu horeeyo Gudomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yusuf Jamac ayaa soo dhaweeyay masuulka cusub ee xilka loo dhiibay waxaana ay sheegeen in ay aaminsanyihiin in uu la’imankaro waxqabad muuqda oo dhinaca amaankaa.
Taliyaha cusub G/Dhexe Jaamac Axmed Maxamed (Sandaqad) ayaa sheegay in malmaha soo aadan uu bilaabidoono qorshayaal cusub ee dhinaca amaanka waxaana uu ku goodiyay in uu la’imandoono isbadal dhinaca amaankaa.




