Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

governor iyo Taliyaha police booqday meelo katirsan mudug

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

governor iyo Taliyaha police booqday meelo katirsan mudug

Postby FBISOMALIA » Sun Jan 01, 2012 6:39 pm

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Gudoomiyaha gobolka Mudug Mudane, Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey iyo Taliyaha dhawaan xilka la wareegay ee qaybta Booliska gobolka Mudug Gol.Jaamac Axmed Maxamed ( Jaamac Sandaqad) ayaa Kormeer wadajir ah ku sameeyey deegaanada u dhexeeya degmooyinka Gaalkacyo iyo Galdogob ee gobolka Mudug halkaasoo ay soo kormeereen xaaladaha kaladuwan ee deegaanadaas iyagoona booqday Talisyada ciidamada ee deegaanadaas, xarumaha kaladuwan ee bulshada iyo meelo kale oo muhim ah iyagoona kulamo kaladuwan la qaatay saraakiisha maamulka ee deegaanadaas iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada deegaanadaas kuwaasoo ay kala hadleen arimo quseeya hormarinta deegaankaas iyo ilaalinta xuduudka dalka Ethiopia iyo Puntland oo halkaas labo Sohdimood oo kaladuwan ku leh.

Waftiga Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo ay xubno kale oo muhiim ah ayna kujireen kuxigeenkiisa iyo waxgarad kale ayaa booqashadii ugu horaysay ku tagay deegaanka Beyra iyagoo markii ay halkaas tageena salaan ka qaatay ciidamada difaaca Beyra halkaasoo ay ciidamadu ugu sii diyaargaroobeen iyagoona warbixin ka dhagaystay saraakiisha Beyra oo ka hadlay Baahiyaha ciidanka Beyra oo meel jiid ah kusugan kuwaasoo ay saraakiisha ugu saraysay maamulka gobolka Mudug ay sheegeen inay dawlada dhexe iyo xarumaha ciidamada dawlada dhexe u gudbin doonaan baahiyaha ciidamada difaaca ee Jiida Beyr waxaana sidoo kale ay la kulmeen Odayasha iyo Waxgaradka deegaankaas oo ay kala hadleen arimo muhiim ah.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa intaas kadib gaaray Beesha Bursaalax halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey isagoona booqday Xarumaha caafimaadka, saldhiga cusub ee Beyra iyo meelo kale oo muhiim ah, Maxamed Yuusuf Wuxuu la kulmay duqa Bursaalax, kuxigeenkiisa iyo xoghayaha dawlada hoose ee Bursaalax waxaana ay uga warbixiyeen xaalada Beesha Bursaalax oo ay sheegeen Amaan ahaan inay wanaagsantahay ayna jiraan hormaro iskaa wax u qabso ah oo ay shacabka deegaankaasi wadaan, dhanka kalena wuxuu xarunta hoolka shirarka ee Bursaalax kula kulmay qaybaha kaladuwan ee shacabka beesha Bursaalax kuwaasoo sheegey inay ku faraxsanyihiin safarka uu Gudoomiyaha gobolku ugu yimid waxayna sheegeen inay baahida ugu wayn ee ay qabaani ay tahay saldhiga bursalaax oo ay shacabku dhiseen ayna waxyar ka dhimanyihiin iyagoona dawlada Puntland ka codsaday inay saldhigaas dhamaystirkiisa ka qaybqaataan, Gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa intaas kadib hoolka shirarka ee Bursaalax ka sheegey in maamulkiisu uu balaarin doono xiriirka uu bulshada Bursalaax iyo meelaha kale ee muhiimka ah ee gobolka Mudug la leeyahay wuxuuna sheegey in ay codsiga bulshada si rasmi ah ugu gudbinayaan Madaxweynaha dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud, Dhinaca kale Gudoomiyaha gobolka Mudug wuxuu is baray shacabka beesha Bursaalax iyo Taliyaha cusub ee qaybta Booliska gobolka Mudug wuxuuna sheegey in loo baahanyahay In shacabku ay ka shaqeeyaan amaanka deegaanka isagoona si gaar ah saraakiisha Amaanka ku amray in la adkeeyo Amaanka xuduudaha lana ilaaliyo cida usoo gudbaysa Puntland ama cida ka baxaysa si buu yiri loo ilaaliyo amaanka xuduuda maadaama xuduudka labadiisa dhinacba ay shacabka degeni walaalo yihiin xiriirka Puntland iyo Ethiopia-na uu yahay mid heer wanaagsan maraya, Intaas kadib Gudoomiyuhu wuxuu booqday tuulooyin ay kamidtahay Riig Oomane iyo meelo kale halkaasoo si diiran oo aan horey loo arag loogu soo dhaweeyey.

Waftiga Maamulka gobolka Mudug ayaa u gudbay Degmada Galdogob ee gobolka Mudug oo sidiiran loogu soo dhaweeyey wuxuuna kulan balaaran la qaatay qaybaha kaladuwan ee shacabka reer Galdogob oo uu hogaaminayey Cali Ugaas Maxamed, Wuxuuna Gudoomiyaha gobolku isbaray shacabka reer Galdogob iyo taliyaha cusub ee qaybta Booliska gobolka Mudug oo ay siweyn shacabku usoo dhaweeyeen, Gudoomiyaha iyo waftigiisa ayaa warbixin ka dhagaystay saraakiisha maamulka degmada iyo taliyaha saldhiga degmada Galdogob oo ka hadlay xaalada Amaan iyo nololeed waxayna sheegeen inay ku faraxsanyihiin kormeerkii labaad oo uu mudo kooban gudaheed gudoomiyaha gobolku uu ugu yimid taasoo ay sheegeen inaysan horey u dhicin, Gudoomiyaha ayaa sheegey inay ka shaqeynayaan in shacabka iyo maamulku isku xirnaado intaas kadibna Gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa kasoo laabtay Safarkaas wallow taliyaha cusub ee qaybtu uu kusuganyahay degmada Galdogob, Safarka Gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa noqonaya Kormeero iyo safaro isdabajoog ah uu ku tagayey meelo kamid ah deegaanada fogfog ee gobolka Mudug waaana safarkii Sadexaad oo uu mudo bil ah gudaheed ku tago deegaanada fogfog dhowrjeer oo hore ayuu booqday Jiidaha hoosyimaada Deegaanka Bali-Busle Waxaana uu safaradiisa ku macneeyey kuwo uu shacabka deegaanada xiriiro kaduwan kuwii maamuladii hore kula yeelanaya maamulka uu hogaamiyo Gudoomiyuhu.

Xafiiska Wararka Allpuntland, Gaalkacyo.

quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: governor iyo Taliyaha police booqday meelo katirsan mudu

Postby quark » Tue Jan 03, 2012 7:12 am

:up:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 1 guest