Garowe(Pi) Xukuumada hada talada haysa Puntland ee ay hormuudka ka yihiin Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Sheikh M.M Faroole iyo kuxigeenkiisa Cabdisamad Cali Shire ayaa sadex sano jirsan doonta 8 bishaan janaayo ee sanadkaan, Golaha Wasiirada ee Xukuumada ayaa ahaa kuwo soo maray marxalo kala duwan sadexdaas sano.
Wasiirada qaar way ku guulaysteen shaqadooda halka qaar badan ay ka muuqatay daldaloolyo waxqabad la’aan, tasoo marmarka qaar dhalisa eedeymo ka imaanaya shacabka iyo Mucaaradka.
Xogo aad ugu dhow Madaxtooyada ayaa noo sheegey in xiligii xukuumadu ay cusbayd ilaa labadiis sano ee ugu dambaysay ay Madaxweynaha ku adkayd inuu helo Wasiirka saxda ah ee kasoo bixi kara xilka loo magacaabo, tasoo dhowr jeer keentay inuu Madaxweynuhu shaqada ka eryo dhowr wasiir isagoo isla markaasna magacaabay kuwo cusub si Dowladu u gaarto waxyaabaha ay tiigsanayso ama ugu guulaysato qorshayaasha dowlada.
Dhamaadkii bishii Oktoobar ee sanadkii hada lasoo dhaafay ayaa Madaxweyne Faroole wuxuu khudbad dheer ka jeediyayay furitaankii kalfadhigii golaha Baarlamaanka Puntland isagoo digniin u diray wasiirada aan shaqadooda gudan.
Hadaba Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi.com heshay ayaa noo xaqiijiyey in dhowaan isbadal wayn lagu samayn doono golaha Wasiirada, Wuxuuna Madaxweynuhu soo wadaa Wasiiro cusub oo u badan dhalinyaro, waxaana shaqadooda waayi doona Dhowr Wasiir, isbadalkaan Cusub ee lagu samaynayo wasiirada waxaa lafilayaa todobaadyada soo socda.
Isbadalkaan cusub ee Golaha Wasiiradu wuxuu noqon doonaa mid kusalaysan Xirfad iyo Karti ee manoqon doonaan kuwo ku salaysan hababkii hore ee Wasiirada lagusoo xuli jirey.
Isbadlkaan cusub ee uu soo wado Madaxweyne Faroole ayaa ah mid la doonayo inay Dowladu tiigsato Qorshe balaaran oo sare loogu qaadayo waxqabadka Dowlada xiliga yar ee u harsan,Sida aan xogta ku helnay waxay Xukuumadu kaalinta kowaaad saaraysaa sanadkaan wax ka qabadka Amaanka, dhismaha Wadooyinka, horumarinta reer Miyiga (Xoolaha, Beeraha iyo Biyaha), Ganacsiga.




