Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Salama Bank oo laga furey Garowe

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Salama Bank oo laga furey Garowe

Postby FBISOMALIA » Tue Jan 03, 2012 10:16 am

Image

Magalaada Garowe ayaa maanta waxaa xariga looga jaray Bankiga Puntland Salama Bank faraciisa Garowe,waxana munaasabada furitaanku ka dhacdey xarunta cilmi baarista Puntland ee PDRC.

Xafalada ayaa waxa ka soo qaybgalay wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland,qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Puntland,waxgarad,issimo,culimo,ganacsato iyo marti sharaf kale oo lagu casumey munaasabada.

Image

Wasiir ku xigeenka maaliyada Puntland Cabdi Ibraahim Warsame(Qowdhan) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqey furitaanka faraca Garowe oo horey Bossaso uu furey wasiirka maaliyada Faarax Cali Shire,waxana uu ku darey in Dowladda Puntland ay soo dhaweyneyso talaabadan horumarineed.

Image
Maamulaha bangiga Salama Banka Puntland Maxamed Jaamac Xaashi ayaa sheegay in bangigu ku shaqayn doono nidaamka bangiyada Islaamka,waxana uu soo tiriyey faa’idooyinka ay u leeyihiin koboca dhaqaalaha dalka.

Madasha xaflada ka dhaceysey oo u badnayd khudbado ay soo jeedinayeen masuliyinta iyo marti lagu casumey makrafoonka ayaa waxa dhamaan muujiyeen horumarka balaaran ee laga gaarey dhanka nidaamka kaydka lacagta oo bangigani noqday kii ugu horeyey oo laga hirgeliyo Puntland.

Image
Afhayeenka Issimada Puntland Garaad Cabdulaahi Cali oo ka mid ah dadkii lagu casumey kulanka oo ka hadlay goobta ayaa soo dhaweyey furitaanka bangigan,waxana uu la dardaarmey masuuliyiinta bangiga in ay dhawraan xuquuqda shaqaalaha ka hawlgalaya.

Bangigan oo shirkadda isgaarsiinta Golis hoos taga ayaa waxa uu ku xiranyahay adeega lacag dirsiga ee Mobilka(Sahal Service),waxana sida sheegeen talaabadan tahay mid la jaanqaadeysa horumarka tiknolojiyada casriga ah.

Ugu danbeyn xafalada fuitaanka ayaa waxa soo xirey wasiirka degaanka Puntland Cabdiqani Yuusuf waxana uu tilmaamey in horumarkii ugu badanaa dunida guud ahaan la gaarey 20-kii sanno ee ugu danbeeyey.waxana uu raaciyey in Puntland gaar ahaan intii burburka lagu jirey wax badan u qabsoomey islamarkaasina gaarey horumar balaaran.

Koboca dhaqaalaha iyo horumarka dhinacyada nolosha ayaa waayadan danbe waxa laga dareemayey Puntland,iyadoona ay soo badanayaan shiradda sida gaarka ah loo leeyahay oo la'aamin sanyahay in ay qayb ka qaaaten horumarkadhaqaale Puntland.

User avatar
Bro
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10596
Joined: Fri Nov 30, 2001 7:00 pm
Location: Midwest

Re: Salama Bank oo laga furey Garowe

Postby Bro » Tue Jan 03, 2012 11:18 am

:up:

User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: Salama Bank oo laga furey Garowe

Postby damu » Tue Jan 03, 2012 12:53 pm

great news i heard salama is about to open in Qardho and Galkacyo the state needs more banks & less hawalas :up:

quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Salama Bank oo laga furey Garowe

Postby quark » Tue Jan 03, 2012 1:41 pm

mashallah :up:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 8 guests