Taliyaha Booliska Koonfurta Gaalkacyo oo sheegey inuu si buuxda ula Shaqaynayo Bileyska Puntland
Gaalkacyo(Pi) Taliyaha Bileyska Maamulka Koonfurta Gaalkacyo Gaashaanle Sare Cabdi Xasan Qoorey ayaa sheegey iney wadaan qorshe balaaran oo ay kula shaqaynayaan Maamulka Gobolka Mudug iyo Ciidamada Amaanka Puntland, waxaa uuna sheegey inay ku raad joogaan Maleeshiyaadka hubaysan ee ka dhisan maamulka Koonfurta Gaalkacyo kuwaasi oo uu ku tilmaamey inay yihiin kuwa ka dhex shaqeeya ama soo abaabula amni darad Koonfurta iyo Waqooyiga Gobolka.
Taliyuhu wuxuu sheegey in maamulka Koonfurta Gaalkacyo uu go’aankaan qaatey ka dib markii ay arkeen in Amaan xumada Gaalkacyo ka jirta ay saldhiga ugu wayn leedahay Koonfurta Gobolka oo ay Maleeshiyaadkaan hubaysan iska soo abaabulaan, wuxuuna hoosta ka xariiqay Taliyuhu inay hada ku raad joogaan soona qabqabanayaan ayna wada shaqayn buuxda la yeelan doonaan Maamulka Puntland is loo adkeeyo Amaanka guud ee Gobolka Mudug.
Waa markii ugu horeysey ee taliye Ciidan oo ka tirsan Maamulka Koonfurta Mudug uu muujiyo ka qayb qaadashada Amaanka Gaalkacyo.
Dhinaca Maamulka Gobolka Mudug ama kan degmada iyo waliba Dowlada Puntland wax hadal ah kama soo bixin oo ku aadan hadaladaan kasoo yeerey Koonfurta Gaalkacyo




