Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Culimada Al-ictisaam : waa in lala dagaalamo argagixisada

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Culimada Al-ictisaam : waa in lala dagaalamo argagixisada

Postby damu » Sun Jan 08, 2012 12:09 pm

Culimada Al-ictisaam oo uu ka tirsanaa sheekhii dhowaan magaalada Boosaaso lagu diley ee Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan ayaa kulamo ay dhowrkii habeen ee tegey magaalada Boosaaso ku qabteen ku dhaliilay Jihaadka Al-shabaab iyagoo ku tilmaamay inuu yahay mid fidmo ah islamarkaana diinta aan wax raad ah ku lahayn.

Nedwo 3-habeen socotey oo caawa soo gaba gabowdey islamarkaana ay Culimo 5-gaarayaa ka qayb qaateen ayaa gebi ahaanteedba ahayd mid looga hadlayey dagaalka ay Shabaabku Soomaaliya ka wadaan, qaabkii uu kusoo bilowday, Diintu waxa ay ka qabto iyo arimo kale oo badan.

Culimada Nedwadaas ka qayb qaatay oo iyagu 3-dii habeen ee ay socotey khudbado dhaadheer oo ay arimahaas kaga hadlayeen kasoo jeediyey ayaa kala ah:

Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax.
Shee Dahair Aw-cabdi.
Sheekh Fu’aad Maxamuud Nuur.
Sheekh Axmed-daahir.
iyo Sheekh Axmed Cabdisamed.
Cinwaanada Nedwada oo midba uu midka kale ka xasaasi sanaa ayaa waxa ugu darnaa kii caawa baxay oo ahaa ” Dhimrinta diinta Islaamka” ayna ku qornaayeen 2-da Sheekh ee kala ah Sheekh Axmed Cabdisamed iyo Sheekh Daahir Aw-cabdi.

Sheekh Daahir Aw-cabdi oo qaybta hore lahaa ayaa aad ugu dheeraaday sida ay diinta Islaamku u tahay mid dhimrin badan, cadaadiska iyo muquunintuna aysan qayb uga ahayn iyo weliba in dabacsanaanta iyo naseexada wanaagsani ay yihiin waxa ay diinta Islaamku ku fiday, dacwada saxda ahina ay ummada Soomaaliyeed oo 20-sano kahor diintu ku yarayd sidaas ku wada gaartey.

Sheekha oo mararka qaar aad u qiiroonayey indhihiisana ay ilmo kusoo joogsaneysey ayaa sidoo kale ka sheekeeyey taariikhda qaar kamid ah madaxda sare ee xarakada Al-shabaab, wuxuuna dhinaca kale ku booriyey dadka deegaanka gaar ahaan dadka degen gobolka Bari inay meel uga soo wada jeestaan sidii ay isaga qaban lahaayeen Al-shabaab oo uu ku tilmaamay in Jihaadkooda uu lamid yahay kii Khawaarijta.

Sheekh Axmed Cabdisamed oo isna qaybta danbe lahaa ayaa ku dheeraaday islamarkaana faah faahiyey qaabka ay u shaqeyso qaybta amniyaadka ee Al-shabaab iyo weliba qaabka lagu soo xulo dadka ka midka noqonaya isagoo xusay in aad loo cabsi geliyo islamarkaana laga faa’iideysto dadka ay dhibaatooyinka nafsiga ahi haystaan iyo dadka uu caqligoodu dhantaalan yahay waa sida uu sheekhu hadalka u dhigaye.

Sheekh Axmed Cabdisamed oo arimo badan ka hadlay ayaa sidoo kale sheegay in Shabaabka gaar ahaan qaybta amniyaadku ay yihiin koox dad ah oo aad isugu xiran ayna adag tahay in layska qabto hadii aan si mideysan loo wajahin, wuxuuna Sheekhu ku baaqay in la qabto kulan balaaran oo ay isugu imaanayaan maamulka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si looga arinsado sidii loo kala fur furi lahaa Al-shabaab loona yareyn lahaa khataro badan oo uu sheekhu sheegay inay dhankooda kasoo socdaan.

Hadalada Culimadu ay xiritaanka Nedwadii mudada 3-da habeen ah Masjidka Al-rowda ee magaalada Boosaaso ka socotey ka jeediyeen aad ayey u dheeraayeen, waxayna kusoo hadal qaadeen arimo aad u tira badan islamar ahaantaana aan qoraal lagu soo koobi karin.

Sidaas darteed Horseed Media waxay idiin balan qaadaysaa in saacadaha soo socda ay idiin soo gudbiso Khudbadihii ay labada Sheekh caawa jeediyeen oo dhamaystiran.
Last edited by damu on Sun Jan 08, 2012 12:21 pm, edited 1 time in total.

User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: Culimada Al-ictisaam : waa in lala dagaalamo argagixisad

Postby damu » Sun Jan 08, 2012 12:19 pm

Image

Image

Image

Image

Image

User avatar
SheikhExecutive
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 509
Joined: Wed Jan 04, 2012 8:27 am
Location: Khaatumo State of Somalia

Re: Culimada Al-ictisaam : waa in lala dagaalamo argagixisad

Postby SheikhExecutive » Sun Jan 08, 2012 2:59 pm

What is Al-ictisaam?

quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Culimada Al-ictisaam : waa in lala dagaalamo argagixisad

Postby quark » Sun Jan 08, 2012 3:03 pm

:up:

Xamud.
Posts: 11173
Joined: Sun Mar 11, 2007 11:13 am
Location: Halabokhad,Mudug. Bunlayn

Re: Culimada Al-ictisaam : waa in lala dagaalamo argagixisad

Postby Xamud. » Sun Jan 08, 2012 5:09 pm

:up: Xabad xidiidka ha loga jaro xaraanta xeerki goaysay.

User avatar
Amilla
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1791
Joined: Thu Mar 19, 2009 10:57 am

Re: Culimada Al-ictisaam : waa in lala dagaalamo argagixisad

Postby Amilla » Sun Jan 08, 2012 5:53 pm

Who are teh "Al-Ictisaam'?

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Culimada Al-ictisaam : waa in lala dagaalamo argagixisad

Postby FBISOMALIA » Tue Jan 10, 2012 12:51 pm

Who are teh "Al-Ictisaam'?
al- ictisaam was the oldest islamic militant movement in PL 1993 ama 1994 ,after their defeated by AY they worked as scholars in PL

for your info ayweeys hutu was one of them before going back to xamar 8-) :up:

------------------------------------------------

really its good news if they willing to fight alshabab but the question would they be under PL or separate ...!!!


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests