
Jamacadda Puntland State University (PSU) ayaa la mataanowdey jaamacadda Kambala International University (KIU) oo ku taala magaala madaxda dalka Uganda.
Munaasabadii maamulada labada jaamacadood ay heshiiska ku kala saxiixanayeen oo ka dhacday hoolka shirarka ee xarunta Jaamacadda PSU Garoowe waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin dowlada ka tirsan, hormuudka Jaamacadda PSU, xubno metelayey Jaamacada KIU, saraakiil ka tirsan hay’adda UNDP Aqoonyahanno, Arday, iyo marti sharaf kale oo badan.
Prof. Maxamuud Sheekh Xaamud oo ah Hormuudka Jaamacadda PSU ayaa ugu horeyn munaasabadaas ka hadlay wuxuuna sheegay in heshiiska ay maanta labada Jaamacadeed kala saxiixdeeni uu yahay mid qayb lixaad leh ka qaadan doona tayeynta kor u qaadista waxbarashada Jaamacadaha Puntland.
Ku-xigeenka gudoomiyaha jaamacadda KIU Prof. Maxamed Adula oo isna si kooban u hadlay ayaa sheegay in tayada waxbarasho ee Jaamacadda KIU ay tahay mid aad u saraysa ayna awood u leedahay in PSU ay ka caawiso dhamaan dhinacyada ay codsatay in laga taageero.
Wasiir ku-xigeenka wasaarada waxbarashada ee Puntland Maxamuud Maxamed Idiris oo ku hadlayey afka xukuumada ayaa sheegay in dowladu ay soo dhoweyneyso heshiiska ay labada Jaamacadood wada gaareen, Mr Idiris wuxuu dhinaca kale u mahad celiyey maamulka PSU oo uu tilmaamay inay dadaal badan sameeyeen isagoo ku booriyey Jaamacadaha kale ee Puntland ka jirana inay tallaabooyin noocan oo kale ah qaadaan.
Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa isna madashaas ka hadlay wuxuuna sheegay in arintani ay tahay mid lagu farxo islamarkaana ah tallaabo horay loo qaaday, Suldaanku wuxuu hanbalyo u diray hormuudka Jaamacadda PSU isagoo ilaah uga baryey in uu dadaalkooda ka abaal mariyo.
Waa markii ugu horeysey oo heshiis noocan oo kale ahi uu dhex maro mid kamid ah Jaamacadaha ka jira Puntland iyo KIU (Kambala International University) oo ah Jaamacadda ugu weyn dalka Uganda ee KIU.



