Gaalkacyo:(Allpuntland)-Saacadihii u danbeeyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyo Duleedkeeda waxaa ka dhacay Weeraro qorshaysan iyo Dagaalo kaladuwan kusoo u dhexeeya Dadka deegaanka ee kasoo kala jeeda Koonfurta iyo Waqooyiga gobolka Mudug ee ku abtirsada Puntland iyo Galmudug kuwaasoo ka dhashay dagaalo horey u jiray oo dib usoo cusboonaaday iyadooan Weeraradani ay qaarkood ka dheceen magaalootin dad shacab ahi degenyihiin.
Weerarkii ugu horeeyey ayaa xalay ka dhacay Duleedka Magaalada Godod oo bariga Magaalada Gaalkacyo uga beegan iyadoona Weerarkaas ay qaadeen malayshiyo kasoo jeeda Koonfurta gobolka Mudug ayna kuq aadeen gaari ay dad shacab ah oo kasoo jeeda Waqooyiga gobolka Mudug wateen iyadoona weerarkaas ay ku geeryoodeen labo ruux ayna ku dhaawacmeen labo ruux oo kale, Sidoo kalena Xoolo dhaqato kasoo jeeda Waqooyiga gobolka Mudug ayaa iyana saaka weerar culus ku ekeeyey Tuulada Jeexdin..
http://www.allpuntland.com/article/anmv ... =12627&z=2




