http://www.allpuntland.com/article/anmv ... =12644&z=2Boosaaso:Ciidamada Amniga Puntland oo gacanta kusoo dhigay Madaxii Miinooyinka u qaabilsanaa Kooxda Galgala ayna Wada dhasheen Atam.
13. februar 2012
Garoowe:(Allpuntland)-Wasiirka Wasaarada Amniga iyo hub ka dhigista Puntland Gol.Khaliif Ciise Mudan oo Maanta Warbaahinta shirjaraa’id ugu qabtay hoolka shirarka ee aqalka madaxtooyada Puntland ayaa ka hadlay Howlgalo culus oo ay ciidamada kaladuwan ee Puntland ka fuliyeen meelo badan oo kamid ah deegaanada Puntland kuwaasoo qaarkood ay ciidamada Amaanku ka sameeyeen buuraleyda Galgala iyo Xeebaha Puntland isagoona Wasiirku uu sheegey in dhamaan ay Howlgaladaasi si rasmi ah u miradhaleen.
Wasiirka Amniga ee Puntland Gol.Khaliif Ciise Mudan Ayaa sheegey in Ciidamada Amaanku ay todobaadkan Howlgal ka sameeyeen meelo kamid ah buuraha Calmadow islamarkaasna ay gacanta kusoo dhigeen rag uu kamidyahay Madaxii qaybta Miino-dhigista u qaabilsanaa dhaqdhaqaaqa Atam kaasoo ay wada dhasheen Hogaamiyaha Kooxdaas Maxamed Siciid Maxamed (Atam).
Gol.Khaliif Ciise Mudan Dhanka kale wuxuu sheegey in Howlgalo kale ay Ciidamada Amaanku ka sameeyeen meelo kamid ah Xeebaha Puntland kuwaasoo ay kusoo qabqabteen rag Burcad Badeed ah, Dad Tahriibayaal ah iyo dad gacansiiyaan qaybahaas kaladuwan isagoona sheegey in ciidamadu ay sidoo kalena soo qabteen Agabyada loo isticmaalo howlahaas oo uu sheegey in imika Garoowe lagu hayo, Wasiirku wuxuu sheegey in loo baahanyahay in laga wada qaybqaato la dagaalanka Buracada iyo Tahriibka isagoona caalamka ugu baaqay in dawlada Puntland arimahaas laga gacansiiyo.
Xafiiska Wararka Allpuntland, Garoowe.