Maareeyuhu wuxuu tilmaamay in ay dareen weyn u leeyihiin Cabashooyinka Bulshada uga iimanaya ee la xiriira baahida biyaha ee Magaalada ka taagan, wuxuuna ka dhawaajiyay in ay dadaal walba u galayaan sidii ay Magaalada qaybaheeda kala duwan biyo nadiif ah oo ku filan u gaarsiin lahaayeen.
Maxamuud Cabdi Yare oo ah Maamulaha Shirkada Qodida iyo Dayactirka Ceelasha ee Soomaaliya ayaa isna ka warbixiyay dadaalka ay qodida Ceelkan ku bixiyeen iyo mudada ay ku qaadatay, wuxuuse tilmaamay in Ceelkani uu wax badan ka tari doono Baahida Biyo ee Magaalada ka jirta.
Maxamuud wuxuu tilmaamay in ay shirkadiisu mudo kooban 15 maalmood ah ku soo gabagabaysay qodida Ceelkan oo ka mid ah Ceelasha ugu dhaadheer ee Soomaaliya laga qodo, wuxuuna sheegay in Ujeedadooda ay tahay in Bulshada Soomaaliyeed ee biyaha u baahan ay u hirgaliyaan ceelal ay si waafi ah uga cabaan.
Arrintani waxay ku soo aadaysaa xilli Qaybo badan oo ka mid ah Magaalada Gaalkacyo laga dareemayo biyo la’aan xilliyada qaarkood iyadoo taasi inta badan loo sababeeyo Cilado ku yimaada Ceelasha Shirkada iyo Xilliyada qaarkood oo ay ceelashu biyo yareeyaan.












