Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Bosaso Manufacturing Union Established

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
CismanMaxamud1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1824
Joined: Sun Jan 02, 2011 11:16 am
Location: SSDF/Kulmis

Bosaso Manufacturing Union Established

Postby CismanMaxamud1 » Sun Feb 26, 2012 8:12 am

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta looga dhawaaqay urur ay ku bahoobeen wershedaha ka jira Puntland.

Munaasabadii ururkan lagu daah furayey oo ka dhacday xarunta rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland ee Boosaaso ayaa waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, maamulka rugta, iyo ganacsato badan.

Madaxdii munaasabadaas kasoo qayb galayna waxaa kamid ahaa wasiiru dowlaha ganacsiga ee Puntland Maxamuud Faarax Beeldaaje, gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim, ku-xigeenadiisa Siciid Xuseen Ciid, Maxamed Caydiid Jaamac, iyo xoghayaha guud ee rugta Axmed Ciise Maxamuud.

Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay xoghayaha guud ee rugta ganacsiga Axmed Ciise Maxamuud wuxuuna ka warbixiyey qaabkii lagu soo doortay gudoonka sare ee ay dalladaasi yeelanayso iyo inta xubnoond ee ay ka kooban yihiin.

Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim oo intaas kadib hadalka qaatay ayaa sheegay inay wax lagu farxo tahay in wershadaha Puntland ay yeeshaan dallad ay ku bahoobeen taasina ay horseedi doonto in Puntland ay hurmar dhanka dhaqaalaha ah oo weyn ku talaabsato.

Cabdifataax Jaamac Nuur oo isaga loo doortay gudoomiyaha dallada ganacsatada wershedaha ee Puntland ayaa isna sheegay in dalladan cusub ee al sameeyey ay noqonayso mid wax badan tarta maadaama laga soo bilaabo xiligii ay dowladdii dhexe burburtay uusan jiran nidaam mideysan oo isku xira wershedaha dalka ka jira.

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee rugta ganacsiga Puntland Siciid Xuseen Ciid oo kamid ahaa mas’uuliyiintii munaasabadaas ka hadlay wuxuu ka warbixiyey faa’iidada ay wershaduhu leeyihiin maadaama ay kaalin weyn ka qaataan wax soo saarka dalka arintaas oo uu mudane Ciid tilmaamay inay tahay midda ay dunidu ku kala hor martay.

Cabdiladiif Yuusf Barre oo kamid ah asaasayaashii rugta ganacsiga kuna jira ganacsatada ugu waaweyn Puntland ayaa isna ku booriyey gudoonka cusub ee ururka wershedaha inay ku dadaalaan sidii ay xilka la saaray uga soo dhalaali lahaayeen, isagoo intaas raaciyey in ganacsatada ay tahay inay qayb weyn ka qaataan horumarka guud ee bulshada.

Wasiiru dowlaha ganacsiga ee Puntland Maxamuud Faarax Beeldaaje oo gaba gabadii hadalka qaatay ayaa ku dheeraaday sida ay dowladdu dadaalka dheeriga ah ugu bixiso harumarinta dhaqaalaha, isagoo intaas raaciyey in inta badan ganacsatadu ay cashuurta ka cawdaan, cashuurtuna ay tahay waxa keliya ee horumarka dalku ku imaan karo.

Waa markii ugu horeysey ee Puntland laga sameeyo dallada ay wershaduhu ku mideysan yihiin, waxaana gudoonka sare ee maamulka ururkaas loo doortay ay kala yihiin sidan:

quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Bosaso Manufacturing Union Established

Postby quark » Sun Feb 26, 2012 10:12 am

:up:

User avatar
tightrope
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6581
Joined: Thu Jul 15, 2010 1:46 pm
Location: U MAD SOUTHIE?

Re: Bosaso Manufacturing Union Established

Postby tightrope » Sun Feb 26, 2012 2:04 pm

:up:
Image ImageImage


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 6 guests