
Gaalkacyo(puntlandi.com):-Wafdigan uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo ay ku jiraan Waxgaradka, Nabadoonada, Qurbajoogta, Aqoonyahanada iyo dhalinyarada ayaa waxay kulamo la qaateen qaybaha Bulshada iyo Maamulka Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug.
Wafdigu waxay intaasi kadib kormeereen Xarumaha Dawlada iyo goobaha Taariikhiga ah ee Degmada Jariiban, Deegaanada xeebta ah ee Garacad, Dhinowda, Kulub iyo Deegaano badan oo xeebta ku teedsan, waxayna aad ugu kuurgaleen Natiijada Hawgaladii la dagaalanka Burcad badeeda ee Dadka Deegaanku ay wadeen, Kaluumaysigii xeebta oo dib u bilawday, iyo Nolosha guud ee Degmada Jariiban.
Wafdiga guddoomiyaha oo malintii 4aad ku sugan Degmada Jariiban ayaa wali wada kormeerada ay ku tagayaan Deeganada xeebta ah ee Degmada Jariiban iyo kulamada dadka deegaanka.
Cumaryare, Gaalkacyo.
http://www.puntlandi.com






























