Musharax Cabdilaahi Siciid Samantar oo Boosaaso kasoo degey si diiranna loo soo dhoweeyey [Sawiro+Cod]
Updated:- 4 hours ago| 28 Commnets
Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso waxaa goor dhow kasoo degey Siyaasiga caanka ah ee reer Puntland Gen. Cabdilaahi Siciid Samantar.
Generalka oo si diiran loo soo dhoweeyey ayaa u sharaxan xilka madaxtinimada ee Puntland.
Cabdilaahi Siciid Samantar oo markii uu Garoonka kasoo degey loo soo gelbiyey dhinaca gurigiisa ayaa Saxaafadda si kooban ula hadlay.
Wuxuuna ka warbixiyey waxyaabaha xiligan ku dhaliyey in uu isu soo taago xilka madaxtinimada ee Puntland iyo sababta uu xiligan dalka ugu soo laabtay.
Cabdilaahi Siciid Samantar waa musharixii ugu horeeyey ee shaaca ka qaada inuu isu soo taagayo doorashooyinka madaxtinimada Puntland oo maagaalada Boosaaso soo gaara.
Waxayna arintani kusoo beegmeysaa xilli muran uu ku jiro wakhtiga uu xilka ka degi doono madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.













