Oslo(Pi) Dawlada Norway ayaa go’aansatay inay Puntland ugu deeqdo Aduun dhan 3 milyan oo Dolar una dhiganta qiyaastii 15 milyan krone oo lacagta norway ah, lacagtaan waxaa lagu dhisayaa xabsiyo cusub waxaana lagu horumarinayaa xabsiyadii horey u jirey, sida ay sheegtey Wasaarada Arimaha dibada ee Norway.
Xabsiyada cusub waxaa lagu heshiiyey in dhismahoodu dhameystirmaan mudo labo sano gudeheed ah, kuwa hada jirana in iyana la dayac tiro.
Deeqdaan lacagta ah ayaa waxay qayb ka tahay barnaamijka ladagaalanka Burcad badeedka ee ka dhexeeya Puntland iyo Norway, Sanadkii Hore waxaa Norway booqasho ku tagay Agaasimaha ladagaalanka Burcad badeedka ee Dowlada Puntland Cabdirsaaq Maxamed Dirir (Duceysane).
Puntlandi.com
Oslo



