Munaasabad lagu dooranayey gudoomiyaha golaha deegaanka ayaa maanta ka dhacday degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.
Munaasabadaas oo ahayd mid balaaran ayaa waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin ay kamid yihiin wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha, gudoomiyaha gobolka Nugaal, ku xigeenkiisa , Isimmo, Ganacsato iyo waxgarad.
Goobtii ay ka dhacaysey doorashada gudoomiyuhu waxaa joogey 19 kamid ah 23-da xubnood ee uu ka kooban yahay golaha deegaanka ee degmada Buurtinle.
15-xubnood ayaana u codeeyey Faarax Maxamuud Jaamac oo isaga loo doortay duqa Buurtinle islamarkaasna noqon doona gudoomiyaha golaha deegaanka ee degamadaas.
Mudo 48-maalmood ah ayaa laga joogaa xilligii ay golaha deegaanka ee degmadaasi kalsoonidii kala laabteen islamarkaana rideen duqii hore ee degmada Buurtinle.
Buurtinle waxay kamid ah tahay degmooyinka ugu waaweyn gobolka Nugaal iyo guud ahaan Puntland, waxayna noqonaysaa degmadii ugu horeysey ee ay goleheeda deegaanku gudoomiyehoodii ridaan.
Horseed Media