Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Sool laga bilabay ergada ansixinta dastuurka Puntland

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Sool laga bilabay ergada ansixinta dastuurka Puntland

Postby FBISOMALIA » Sat Mar 24, 2012 11:08 am

Image

Sool(puntlandi.com):- Gudiga kumeel gaarka ah ee doorshooyinka Puntland (TPEC) ayaa deegaanadda puntland ka wada barnaamij balaran oo ku aadan afti u qaadista dastuurka puntland iyo xulida ergada ansixin doonta ee la filayo in ay magaalo madaxda puntland ee Garoowe soo gaaraan 15 bisha April ee fooda inagu soo haysa, kadib markii ay gudigu dowladda u soo gudbiyeen Talo soo jeedintooda ah in la qabto waqti cad oo lagu soo xulo ergadda ansixinta dastuurka islamarkaana ay soo xulayaan bulshada gobollada oo ay hormuud u yihiin Salaadiinta Dhaqanka puntland.

Image
Xilligaana ay dowladu la qaadatay Talo soo jeedinta TPEC uuna si rasmi ah ugu dhwaaqay madaxweynaha puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud in 15 Bisha april ay fariistaan ergadda laga sooo xulo gobolada dalka si ay u ansixiyaan Dastuurka puntland.

Gudigu waxaa uu Gudagalay ololaha lagu gaarsiinayo barnaamijka aftida Dastuurka oo gobolada iyadoo Bulshada loo Qabanayo Kulamo ku aadan Xulista ergadda Dastuur ansixin doonta iyo sidii ay usoo xulan lahaayeen Cidii uga Qaybgali lahayd ee Matali lahayd .Meelaha Maanta laga Qabtay kulamadaas ayaa waxaa ka mida Degaano ka tirsan Gobolka sool.

Kulanka oo ahaa Mid ay kasoo qaybgaleen Qaybaha Bulshada Sool SidaMaamulka Gobolka ,kan degmada ,Xubno ka socday Gudiga Doorashooyinka puntland ,odayaasha,dhalinyarada,Haweenka. Ayaa waxaa ugu horeyn ka Hadlay Axmed Maxamed Maxamuud ( Dubays) ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey ujeedada shirka iyo arrimaha dastuurka iyo habka loo xulayo ergadda Dastuurka.

Image
Axmed waxaa uu sheegay in Barnaamijkani hordhac u yahay sidii loo xuli lahaa Ergadda ansixindoonta Dastuurka puntland oo la doonayo in 15 la ansixiyo dastuurka kamadanbaysta ah ee puntland, Waxaa kaloo uu sheegay in uu gudigu wado sidii dadweynaha loo ogaysiin laha in ay iska xulaan cida uga qaybgalaysa Ergadaas.

Dubays waxaa uu sheegay in kulankaani uusan ahayn kii ugu horeyey ee ay Bulshada sool u Qabandoonaan barnaamijyo kale oo la xiriira Nidaamka Geedi socodka ee puntland u sii siqayso.

Image
Gudoomiyaha Gobolka sool ee Puntland Axmed Ibraahim Faarax (Faracade) ayaa u Mahadceliyey ugu Horey Xubnaha ka socda Gudiga TPEC oo waday Barnaamijka loogu soo Bandhigayo Bulshada sidii ay u Fahmi lahayd Dastuurka una xulan lahayd cidda u matalaysa ergadda Ansixinta Dastuurka Puntland.

Gudoomiyuhu waxaa ahmiyadda kulankani uu yahay sidii bulshadu u fahmi lahayd Dastuurkooda isla markaana ay ka arinsadaan cidii u matalaysa ansixinta Dastuurka,iyadoo puntland u hayamayso nidaamka Xukunka dadweynaha Gacanta loo galin lahaa iyagoo u madax banandonan in ay ciday rabaan dooran karaan, iyadoo laha guurayo nidaamkii Mudada lagu soo Taamayey ee ku salaynaa Qabiilka.

Gudoomiyuhu waxaa uu ku Booriyey Dadweynaha in ay Ergadda u xushaan Shakhsiyaad u matali kara dadka iyo deeganka puntland.

Image
Maxamuud Xirsi Faarax oo ka mida odayaasha Dhaqanka Gobolka sool ayaa isna sheegay in ay soo dhaweynayaan Barnaamijka afti u Qaadista Dastuurka iyadoo ay xulista ergadana ay ka tashanayaan Dadka deegaanku si ay ugu gudbiyaan Gudiga doorashooyinka puntland.

Image
Haweenka ayaa iyana si weyn usoo dhaweyey nidaamka ergadda loogu xulayo ansixindoonta Dastuurka ayna la shaqayndoonaan Gudiga ku meelgaarka ah ee doorshooyinka Puntland .

Caasho Jaamac Faarax oo ku Hadlaysa Magaca Hooyooyinka ayaa Goobta ka Tirisay Buraanbur ay kusoo dhaweynayso Dastuurka puntland ee lagu wado in afti Dadweyne loo Qaadayo 15 Bisha April.

Image
Dhalinyara ayaa iyana u riyaaqay in la hirgaliyo nidaamka axsaabta Badan ee ay higsanayso puntland kaasi oo ay sheegeen inuu siinayo ahmiyad balaran oo ay kaga Raysanayaan nidaamka ku salaysan Qabiilka ee la filayo in la gudbidoono dhawaan.

Image
Caaqil C/laahi Caynab ayaa lagu soo dhaweyey Codbaahiyaha waxaana uu ugu baaqay dadweynaha in la xoojiyo nabadgelyadda ayna odayaal ahaan soo dhaweynayaan nidaamka Aftida Dastuurka iyo Xulista Ergadda ansixindoonta Dastuurka puntland.

Xildhibaan Maxamed jaamac Banaf oo ka tirsan xildhibaanada Baarlamanka Puntland ee ka soo jeeda Gobolka Sool ayaa kulankan soo xiray wuxuu dadweynaha kula dardaarmay in bartaan xuquuqda uu dastuurku siinayo si ugula xisaabtamaan hay’adaha dawlada.

Ugu Danbaystiina waxaa Goobta lagu Qaybiyey Nuqulo ka Mida Dastuurka puntland oo ay Bixinayeen Xubnaha Gudiga Kumeelgaarka ah ee Doorashooyinka puntland.

www.puntlandi.com

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Sool laga bilabay ergada ansixinta dastuurka Puntland

Postby FBISOMALIA » Sat Mar 24, 2012 11:13 am

Image

Image

Image

Image

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Sool laga bilabay ergada ansixinta dastuurka Puntland

Postby FBISOMALIA » Sat Mar 24, 2012 11:14 am

golaha sool should be built next 8-) :up:

iyo the next gobol should be cayn for ansixinta dastuukra PL :up:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 4 guests