http://puntlandi.com/?p=29581War Deg Deg ah… Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo oo loogu magac Daray Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf
Posted by Pi on March 25th, 2012
Gaalkacyo(Pi) Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan sheikh Faroole ayaa khudbadooda kusoo daray in Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo loogu magac daro Alla ha u naxariistee Madaxweyne Cabdullaahi yusuf.
Warar aad ugu dhow Xafiiska Madaxweyne Faroole ayaa noo xaqiijiyey in labada Masuul ay horey uga wada hadleen in Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo loogu magac daro Madaxweyne Cabdullahi Yusuf.
Waxaa la qorshaynayaa in si rasmi ah (Official) dhowaan loogu dhawaaqo in Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo loogu magac daro Madaxweyne Cabdullahi yusuf.
Waxaana Garoonka loo bixinayaa hada ka dib Abdullahi yusuf International Gaalkacyo Airport
Puntlandi.com
Gaalkacyo