Puntland oo laga hirgelinayo ruqsada wadida gaadiidka
31 Mar 31, 2012 - 7:01:40 AM
GAROWE ONLINE
Xarunta wasaarada gadiidka iyo hawlaha guud ee Puntland ayaa maanta 31,March 2012 lagu qabtey xaflad daahfurka qaadashada rugsadaha wadida gaadiidka oo ay iska kaashanayaan wasaaradaha gaadiidka ,maaliyada Puntland ,taraafikada ,iyo ciidamada booliska ,waxana ka soo qaybgalay wasaaradaha iyo hayadaha ay khudeyso iyo weliba shaqaalaha loo tababarey hawshan Puntland laga bilaabayo muddo dhan 21 sanno kadib burburkii Somalia.Wasaarada gadiidka iyo hawlaha guud Puntland ayaa mudooyinkii ugu danbeysey ku hawlaneyd sidii loo hirgelin lahaa barnaamijkan oo faa’idooyin badan u leh mujtamaca reer Puntland,,waxaana munaasibadan maanta lagu soo bandhigay heerarka ay soo martay hawshan,qaabka loo imtixaamayo darawlada,shuruudaha ku xiran qofka qaadanaya Lisinka.
Wasiirka hawlaha guud iyo gadiidka Eng.Daahir Xaaji Khaliif oo ka hadlayey xafladan ayaa sheegay in hawshani aysan ahyn wax fudud,wuxuuna xusay in loo baahan yahay dadka in la wacyi geliyo si ay u ogadaan faa'iadad laysinka,isagoona laamaha ay hawshani khusayso u jeediyey inay dadka baraan sharciyada darawalnimada.Wasiirka wasaaradda maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire oo ka hadlayey munaasibadii daahfurka ayaa ka sheekeyey faa'idada mashruucan wuxuuna ka digay in si xun loo adeegsado habka bixinta Laysimada,sidoo kale wasiirku waxa uu amaanay qaabka ay u shaqayso hay'adda PIITEK oo uu sheegay nidaamka ay Taarikada u samayso inaysan Bariga Afrika xitaa laga isticmaalin.
Wasaaraha hawlaha guud iyo gadiidka,tan maaliydda iyo Taraafikada ayaa isla gartay in 15,April,wixii ka dambeeya uusan Puntland ka shaqayn doonin darawal aan haysan ruqsada baabuur kaxaynta.
Halkan ka dhagayso wasiirka hawlaha guud Eng Daahir Xaaji Khaliif
