Garoowe (APL): Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay horumar la taaban karo ka samaysay dhismayaasha iyo wadooyinka Xaafadaha aada, kadib dadaalo badan oo dawladu ay ku bixisay ka dhaadhicin bulshada ee ka qaybqaadashada horumarinta deegaanka iyo hirgalinta qorsha Town-plan-ka Magaalada.
Magaalada waxaa ka hirgalay dhismayaal aad u qurux badan oo isugu jira Hotelo, goobo ganacsi iyo guryo caadi oo ka mid ah deegaanka qoysasku ay ku nool yihiin. Hadaba habeenimadii xalay ahayd waxaa magaalada garoowe ka dhacday xaflad balaaran oo lagu furayay Hotel Casub oo lagu magacaabay RAYAAN PARK HOTEL oo ku soo biiray Hoteelada ugu quruxda badan ee magaalada laga hirgaliyay.
Munaasabadii f uritaanka Hotelkan waxaa ka soo qaybgalay Wasiiro,Xildhibaano,Isimo,Ganacsato & Dadweyne aad u fara badan .
Ayadaha Qur,aanka Kariimka ah kdin waxaa Hadalka qaatay Agaasimaha Rayaan Park Hotel C/qaadir Axmed Warsame waxaana uu ugu horeyn u mahadceliyey kazoo qaybgalayaasha Xafladda furitaanka Hoteelka,waxaana uu sheegay in hotelka hirgalintiisa ay ku baxday dhaqaale fara badan ayna ahmiyada mulkiilayaashu ahayd sidii ay u qancin lahaayeen Macaamiisha hotelkan.
Agaasimuhu waxaa uu sharaxay Qaybaha hoteelka & adeegyada cusub ee uu u hayo bulshada ,waxaana uu sheegay in Hotelkani uu ka koobanyahay 29 qol oo isugu jira kuwa qoysaska iyo noocyada shakhsiyaadka .
Agaasimuhu waxaa uu sheegay in uu hayo Adeegyada kala duwan ee ay ka midka yihiin.
1. Biyo Nadiif ah oo Macaan.
2. Cuntada &Cabitaanada
3. Amaanka oo aad looga Taxadaray
4. TV & Telefoonka lineka
5.Internerka
6. Shaqaale iyo Maamul xirfad dheer u leh howlaha shaqada Hotelka.
Agaasimaha Hotelka ayaa Bulshada u balanqaday in ay soo kordhindoonaan Hool cusub oo aad u mugweyn kaasi oo dadweynuhu ku qabsankaraan shirarka & kulamada .
C/fitaax Maxamed Cabdi (Kismaayo ) oo ka mid ah Ganacsatada Waaweyn ee Gobolka Nugaal ayaa isna lagu soo dhaweyey Codbaahiyaha waxaana uu u hanbalyeyey Maamulka Hotelka waxaana uu kula dardaarmay in ay joogteyaan adeegyada ay bulshada u qabanayaan oo ay ka mid tahay nadaafadda Goobta ,amaanka .
Suldaan C/salaan Maxamed Xaaji Axmed ayaa isna sheegay in ay soo dhaweynayaan odayaal ahaan Hotelkan cusub ee kusoo biiray kuwii hore ee ka jiray magaaladda Garoowe,waxaana uu suldaanku u duceeyey guud ahaan kazoo qaybgalayaasha munasabadda.
Wasiirka wasaaradda Ganacsiga Puntland Xasan Jamac Faarax oo si rasmi ah xariga uga jaray Hotelkan ayaa sheegay in loo baahnaa soo kordhinta uu kusoo biiray magaaladda ,waxaana uu sheegay in Hotelkan uu yahay kii 40aad ee laga hirgaliyo magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.
Wasiirku waxaa uu sheegay in Ganacsatada looga baahanyahay in ay wadanka ka samaystaan maagashiyo iyadoo ay ka hirgalinayaan dhismayaasha & Goobaha noocani oo kale ah,waxaana uu ku baaqay in dowladu canshuuraha ka dhimayso adeegyada maalgashi ee laga hirgalinayo deegaanadda puntland. Munaasabadda Furitaanka ayaa ahayd mid kusoo gabagabowday jawi aad u heer sareeya.















