Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Mudug demands no extra year for Farole and no nepotism

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Southie4life
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 481
Joined: Thu Apr 16, 2009 10:16 am

Mudug demands no extra year for Farole and no nepotism

Postby Southie4life » Wed Apr 11, 2012 10:42 pm

Waxgaradka Gobolka Mudug oo Ka soo Horjeestay Muddo Kororsiga Xukuumada Puntland [Sawiro+Cod]
Updated:- 20 hours ago| 24 Commnets

Image

Waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug modooyinkii danbe ka socday shirar ay yeelanayaan waxgaradka iyo aqoonyahanada gobolka oo looga soo horjeedo xil kororsiga xakuumada iyo barlamaanka Puntland .

Kulamadan oo ay hormuud ka yihiin waxgaradka gobolka iyo ururada bulshada gobolka Mudug ayaa waxaa gabi ahaanba looga soo horjeeda muda kororsiga madaxweynaha iyo qaabka ansixinta dasturka cusub ee puntland oo 15 bishan april afti loogu qaadayo magaalada Garoowe.

Dhamaan waxgaradkii iyo aqoonyahanadii ka qayb galay kulamadan ayaa soo saaray bayaan ah in xukuumadda hadda jirtaa hadii ay ay xilka muddo sanad ah ku kororsato ay tahay mid qalad ah oo aan u cuntami karin shacabka ku nool gobolka Mudug .

Axmed adan dheere oo ka mid ah khuburada dhanka maamul wanaaga isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay dawladii kacaanka ayaa isna ka hadlay qaabka ansixinta dastuurka isagoo sheegay in dastuurka ay ka muuqdaan qodobo danaysi ah oo aan dhab loo qeexin .

Dhagayso Codka Axmed Aadan Dheere

Axmed adan dheere ayaa sidoo kale ka hadlay qaabka uu dastuurka puntland u qeexayo suhdinta gobolka Mudug isagoo sheegay in uusan siwanaagsan u qeexin suhdimaha gobolka uu leeyahay iyo inta degmo uu ka kooban yahay.

Khabiirka ayaa waxaa kaloo uu ka hadlay wasaarada arimaha gudaha ee puntland aysan si toos ah u aqoonsanayn xaduudaha gobolada puntland gaar ahaan gobolka Mudug isagoo sheegay in xaduuda gobolka Mudug ay ku jirto Majhuul.

Ugu danbaytii dhamaan waxgaradka iyo aqoonyahanada gobolka ayaa ku baaqay in ay ka soo horjeedaan muda kororsiga xukuumada faroole iyo qaabka ansixinta dastuurka puntland oo dhawaan afti loogu qaadi doono caasimada Garoowe iyadoo dhanka kale shirar caynkan oo kale ah ay ka socdaan qaar ka mid gobolada Puntland.

Southie4life
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 481
Joined: Thu Apr 16, 2009 10:16 am

Re: Mudug demands no extra year for Farole and no nepotism

Postby Southie4life » Wed Apr 11, 2012 10:45 pm

Image

Image

Image

Image

User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: Mudug demands no extra year for Farole and no nepotism

Postby damu » Thu Apr 12, 2012 9:07 pm

Gaalkacyo(Pi) Waxgaradka ay kamid yihiin Nabdoonada ugu caansan Gobolka Mudug ayna ka go’do talada Shacabka ayaa been abuur iyo dacaayad ku tilmaamay Warar ay saxaafad qaarkood qoreen wararkaasoo sheegayey in Waxgaradku kasoo horjeesteen Ansixinta Dastuurka Puntland iyo hadalo kale oo been abuur ah, Waxgaradku waxay sheegeen in ay dad qaswadaayaal ah oo ku hadlaya magacooda laga faafiyaey warkaas.

Nabadoonada Deegaanku waxay sheegeen iney ku qanacsan yihiin sidii losoo xuley ergooyinka Ansixinaya Dastuurka iyo sida ay usocoto shaqada dastuurku, ayna ergadooda uga qaybgalaysa Kulanka lagu falanqaynayo Dastuurka ay diyaar yihiin.

Barnaamij gaara oo ay wada diyaariyeen Radio Gaalkacyo iyo Puntlandi ayaa d ku maqli doontaan Hadalada Waxgaradka, Barnaamijkasoo iminka diyaarintiisu socoto waxaana idiinsoo gudbinaynaa Caawa fiidadkii, xiligaasoo uu si toosa uga bixi doono Radio Gaalkacyo, qurbaha waxaad ka dhagaysan doontaan Puntlandi.com ee hamoogaan.

Dhinaca kale Waxgaradka Gobolka Karkaar ayaa iyana ku kasoo horjeestey hadalo noocaas ah oo saxaafada lagu daabacay shalay, Waxayna shegeen inay Waxgaradka Deegaanka Gobolka karkaar iyo Dowladu kawada hadleen Dastuurka ayna Ergooyinkii uga qayb gali lahayd xaflada 15 april ay diyaar yihiin. Waxay kaloo hoosta ka xariiqeen kuwa saxaafad la hadlaya ee baahinaya wararka lagukala takoorayo shacabka Puntland inay yihiin kuwo aan talada gobolku ka go’in, mana matalaan shacabka. waraysi arintaa ku saabsan ayaan isku dayaynaa inaan kusoo daro Barnaamijka Caawa(Arbaco 11 april) ee Radio Gaalkacyo.

Koox ka soo horjeeda horumarka deegaanka ayaa dad gaara isugusoo urursada qol kadibna sawiro ka qaada, kuwasoo sheega inay shireen, kuna hadlayaan magaca Gobolka ay joogaan mana ahan kuwo miisaan ku leh deegaanka ayuu yiri mid kamid ah nabadoonada oo aan teleefoonka kula xiriirney,

Southie4life
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 481
Joined: Thu Apr 16, 2009 10:16 am

Re: Mudug demands no extra year for Farole and no nepotism

Postby Southie4life » Thu Apr 12, 2012 11:22 pm

I am posting pictures that prove that I am not the only Puntlander that is fed up with Farole and this is what you bring back in return?

I can go on raxanreeb or galagla news and post negative articles.

READ THE SIGNS THAT THE MEN ARE HOLDING.

User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: Mudug demands no extra year for Farole and no nepotism

Postby damu » Fri Apr 13, 2012 3:39 am

Gaalkacyo(Pi) Sida ay cadeeyeen Isimada gobolka Mudug shacabka iyo waxgaradkuba way ku qanacsan yihiin habkii losoo xuley Ergooyinka ansixinaya Dastuurka,Isimadu waxay kaloo sheegeen inay tahay been abuur Dad dano gaara leh ay faafiyeen iyagoo sheeganaya inay matalayaan gobolka Mudug, kuwasoo shirar ay isugu keeneen dad dhowra sheegtey iney matalayaan Gobolka.(Hoos ka dhagayso Wareysi ga aan layeelanay Suldaan cabdislaam, waxaadna ku maqlaysaan Barnaamijka Faaqidaada Radyowga-Radio Gaalkacyo)

Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud oo ku hadlay Magaca Isimada ayaa si kulul u dhaleeceeyey Dad ku ku andocoonaya iney yihiin wax garadka deegaanka kuwasoo faafinaya warar aan sal iyo raad lahayn, Wuxuuna Suldaanku hoosta ka xariiqay in shacabka Gobolka Mudug Isimada iyo Nabadoonada ay taladu ka go’do ay soo xuleen Ergooyinka ansixinaya Dastuurka.

Suladaan Cabdisalaam wuxuu sheegey in ay gudiga doorashadu yimaadeen Gaalkacyo ayna usoo bandhigeen tirada laga rabo gobol ahaan, Anagu Isimo ahaan waan ka shirey waxaana u bandhignay oo u xilsaarey soo xulida Ergooyimka Nabadoonada Gobolka iyagaana soo xuley, Waxgarad ahaan Gobolkana waan ku qanacsanahay Xulida Ergooyinka mana jiraan Cid ka hortimid.

Maamlamaahan ayaa kooxo sheeganaya iney yihiin waxgaradka Gobolku waxay sheegeen iney kasoo horjeedaan qaybo kamid ah Dastuurka, Suldaan Cabdisalaam wuxuu arintaas ka yiri “Hanaanka la doonayo inay Puntland u gudubto, Dastuurka ityo Dimoqoraadiyeenta Puntland dhamaan Isimada Puntland waa ogolyihiin waana isku raaceen, Gaar ahaan Gobolka Mudug Isimada iyo Nabadoonadu way taageersan yihiin, way jiraan dad si qaldan sharciga u isticmaalaya, iyo wax meel dhexe laga sameeyey oo Borobogaando ah, laakiin dhamaan shacabka iyo Waxgaradka Gobolku way taageersanyihiin howsha ay Dowladu wado”.

suldaan cabdisalaam oo la dardaarmaya shacabka Gobolka Mudug wuxuu ku baaqay in nShacabku kawada shaqeeyaan wada jirka,iney naba ka shaqeeyaan taageerana Qorshayaasha Dowlada, iskana ilaaliyaan kuwa kasoo horjeeda Hanaanka Nabada iyo Horumarka.

User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: Mudug demands no extra year for Farole and no nepotism

Postby damu » Fri Apr 13, 2012 3:51 am

I am posting pictures that prove that I am not the only Puntlander that is fed up with Farole and this is what you bring back in return?

I can go on raxanreeb or galagla news and post negative articles.
you keep proving you aint who who claim to be :lol: :lol: :up:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 13 guests