Page 1 of 1

Mudug demands no extra year for Farole and no nepotism

Posted: Wed Apr 11, 2012 10:42 pm
by Southie4life
Waxgaradka Gobolka Mudug oo Ka soo Horjeestay Muddo Kororsiga Xukuumada Puntland [Sawiro+Cod]
Updated:- 20 hours ago| 24 Commnets

Image

Waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug modooyinkii danbe ka socday shirar ay yeelanayaan waxgaradka iyo aqoonyahanada gobolka oo looga soo horjeedo xil kororsiga xakuumada iyo barlamaanka Puntland .

Kulamadan oo ay hormuud ka yihiin waxgaradka gobolka iyo ururada bulshada gobolka Mudug ayaa waxaa gabi ahaanba looga soo horjeeda muda kororsiga madaxweynaha iyo qaabka ansixinta dasturka cusub ee puntland oo 15 bishan april afti loogu qaadayo magaalada Garoowe.

Dhamaan waxgaradkii iyo aqoonyahanadii ka qayb galay kulamadan ayaa soo saaray bayaan ah in xukuumadda hadda jirtaa hadii ay ay xilka muddo sanad ah ku kororsato ay tahay mid qalad ah oo aan u cuntami karin shacabka ku nool gobolka Mudug .

Axmed adan dheere oo ka mid ah khuburada dhanka maamul wanaaga isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay dawladii kacaanka ayaa isna ka hadlay qaabka ansixinta dastuurka isagoo sheegay in dastuurka ay ka muuqdaan qodobo danaysi ah oo aan dhab loo qeexin .

Dhagayso Codka Axmed Aadan Dheere

Axmed adan dheere ayaa sidoo kale ka hadlay qaabka uu dastuurka puntland u qeexayo suhdinta gobolka Mudug isagoo sheegay in uusan siwanaagsan u qeexin suhdimaha gobolka uu leeyahay iyo inta degmo uu ka kooban yahay.

Khabiirka ayaa waxaa kaloo uu ka hadlay wasaarada arimaha gudaha ee puntland aysan si toos ah u aqoonsanayn xaduudaha gobolada puntland gaar ahaan gobolka Mudug isagoo sheegay in xaduuda gobolka Mudug ay ku jirto Majhuul.

Ugu danbaytii dhamaan waxgaradka iyo aqoonyahanada gobolka ayaa ku baaqay in ay ka soo horjeedaan muda kororsiga xukuumada faroole iyo qaabka ansixinta dastuurka puntland oo dhawaan afti loogu qaadi doono caasimada Garoowe iyadoo dhanka kale shirar caynkan oo kale ah ay ka socdaan qaar ka mid gobolada Puntland.

Re: Mudug demands no extra year for Farole and no nepotism

Posted: Wed Apr 11, 2012 10:45 pm
by Southie4life
Image

Image

Image

Image

Re: Mudug demands no extra year for Farole and no nepotism

Posted: Thu Apr 12, 2012 9:07 pm
by damu
Gaalkacyo(Pi) Waxgaradka ay kamid yihiin Nabdoonada ugu caansan Gobolka Mudug ayna ka go’do talada Shacabka ayaa been abuur iyo dacaayad ku tilmaamay Warar ay saxaafad qaarkood qoreen wararkaasoo sheegayey in Waxgaradku kasoo horjeesteen Ansixinta Dastuurka Puntland iyo hadalo kale oo been abuur ah, Waxgaradku waxay sheegeen in ay dad qaswadaayaal ah oo ku hadlaya magacooda laga faafiyaey warkaas.

Nabadoonada Deegaanku waxay sheegeen iney ku qanacsan yihiin sidii losoo xuley ergooyinka Ansixinaya Dastuurka iyo sida ay usocoto shaqada dastuurku, ayna ergadooda uga qaybgalaysa Kulanka lagu falanqaynayo Dastuurka ay diyaar yihiin.

Barnaamij gaara oo ay wada diyaariyeen Radio Gaalkacyo iyo Puntlandi ayaa d ku maqli doontaan Hadalada Waxgaradka, Barnaamijkasoo iminka diyaarintiisu socoto waxaana idiinsoo gudbinaynaa Caawa fiidadkii, xiligaasoo uu si toosa uga bixi doono Radio Gaalkacyo, qurbaha waxaad ka dhagaysan doontaan Puntlandi.com ee hamoogaan.

Dhinaca kale Waxgaradka Gobolka Karkaar ayaa iyana ku kasoo horjeestey hadalo noocaas ah oo saxaafada lagu daabacay shalay, Waxayna shegeen inay Waxgaradka Deegaanka Gobolka karkaar iyo Dowladu kawada hadleen Dastuurka ayna Ergooyinkii uga qayb gali lahayd xaflada 15 april ay diyaar yihiin. Waxay kaloo hoosta ka xariiqeen kuwa saxaafad la hadlaya ee baahinaya wararka lagukala takoorayo shacabka Puntland inay yihiin kuwo aan talada gobolku ka go’in, mana matalaan shacabka. waraysi arintaa ku saabsan ayaan isku dayaynaa inaan kusoo daro Barnaamijka Caawa(Arbaco 11 april) ee Radio Gaalkacyo.

Koox ka soo horjeeda horumarka deegaanka ayaa dad gaara isugusoo urursada qol kadibna sawiro ka qaada, kuwasoo sheega inay shireen, kuna hadlayaan magaca Gobolka ay joogaan mana ahan kuwo miisaan ku leh deegaanka ayuu yiri mid kamid ah nabadoonada oo aan teleefoonka kula xiriirney,

Re: Mudug demands no extra year for Farole and no nepotism

Posted: Thu Apr 12, 2012 11:22 pm
by Southie4life
I am posting pictures that prove that I am not the only Puntlander that is fed up with Farole and this is what you bring back in return?

I can go on raxanreeb or galagla news and post negative articles.

READ THE SIGNS THAT THE MEN ARE HOLDING.

Re: Mudug demands no extra year for Farole and no nepotism

Posted: Fri Apr 13, 2012 3:39 am
by damu
Gaalkacyo(Pi) Sida ay cadeeyeen Isimada gobolka Mudug shacabka iyo waxgaradkuba way ku qanacsan yihiin habkii losoo xuley Ergooyinka ansixinaya Dastuurka,Isimadu waxay kaloo sheegeen inay tahay been abuur Dad dano gaara leh ay faafiyeen iyagoo sheeganaya inay matalayaan gobolka Mudug, kuwasoo shirar ay isugu keeneen dad dhowra sheegtey iney matalayaan Gobolka.(Hoos ka dhagayso Wareysi ga aan layeelanay Suldaan cabdislaam, waxaadna ku maqlaysaan Barnaamijka Faaqidaada Radyowga-Radio Gaalkacyo)

Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud oo ku hadlay Magaca Isimada ayaa si kulul u dhaleeceeyey Dad ku ku andocoonaya iney yihiin wax garadka deegaanka kuwasoo faafinaya warar aan sal iyo raad lahayn, Wuxuuna Suldaanku hoosta ka xariiqay in shacabka Gobolka Mudug Isimada iyo Nabadoonada ay taladu ka go’do ay soo xuleen Ergooyinka ansixinaya Dastuurka.

Suladaan Cabdisalaam wuxuu sheegey in ay gudiga doorashadu yimaadeen Gaalkacyo ayna usoo bandhigeen tirada laga rabo gobol ahaan, Anagu Isimo ahaan waan ka shirey waxaana u bandhignay oo u xilsaarey soo xulida Ergooyimka Nabadoonada Gobolka iyagaana soo xuley, Waxgarad ahaan Gobolkana waan ku qanacsanahay Xulida Ergooyinka mana jiraan Cid ka hortimid.

Maamlamaahan ayaa kooxo sheeganaya iney yihiin waxgaradka Gobolku waxay sheegeen iney kasoo horjeedaan qaybo kamid ah Dastuurka, Suldaan Cabdisalaam wuxuu arintaas ka yiri “Hanaanka la doonayo inay Puntland u gudubto, Dastuurka ityo Dimoqoraadiyeenta Puntland dhamaan Isimada Puntland waa ogolyihiin waana isku raaceen, Gaar ahaan Gobolka Mudug Isimada iyo Nabadoonadu way taageersan yihiin, way jiraan dad si qaldan sharciga u isticmaalaya, iyo wax meel dhexe laga sameeyey oo Borobogaando ah, laakiin dhamaan shacabka iyo Waxgaradka Gobolku way taageersanyihiin howsha ay Dowladu wado”.

suldaan cabdisalaam oo la dardaarmaya shacabka Gobolka Mudug wuxuu ku baaqay in nShacabku kawada shaqeeyaan wada jirka,iney naba ka shaqeeyaan taageerana Qorshayaasha Dowlada, iskana ilaaliyaan kuwa kasoo horjeeda Hanaanka Nabada iyo Horumarka.

Re: Mudug demands no extra year for Farole and no nepotism

Posted: Fri Apr 13, 2012 3:51 am
by damu
I am posting pictures that prove that I am not the only Puntlander that is fed up with Farole and this is what you bring back in return?

I can go on raxanreeb or galagla news and post negative articles.
you keep proving you aint who who claim to be :lol: :lol: :up: