Garowe(puntlandi.com) Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland waxaa maalinimadii shalay ahayd ee 15-ka April soo gaaray Wafti uu horkacayo Ku xigeenka Safiirka Wadanka Jarmalka ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya Mr. Micheal Hassanue.
Waftiga ayaa kulamo la qaatey Madaxda dowlada Puntland oo ay kamid ahaayeen Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, madaxweyne ku xigeen Cabdisamadcali shirre iyo Wasiiro ka tirsan Dowlada Puntland.
Dowlada Jarmalka ayaa dadaal ugu jirta sidey u Puntland uga caawin lahayd ladagaalanka Burcad badeedka iyo in Deeganada Puntland laga hirgaliyo xabsiyo lagu xiro kumanyaal dhalinyaro soomaaliya oo ku xiran Dalka dibadisa oo ay kamid yihiin 12 dhalinyaro ah oo ku xiran Dalka Jarmalka.
Kulamada waxaa kaloo goobjoog ka ahaa wakiilo ka socda Qaramada Midoobey qaybtooda la dagaalanka burcad badeeda Mr.Alan Cole, la taliyaha saxaafada UNODC Weyne Miller iyo Eng. Trevor Sway madaxa waaxda dhisitaanka hayada UNOPS.
Waftiga Jarmalku waxay so indha indheeyeen xabsiga Dhexe ee Magaalada garowe iyo Wasaarada cadaalada, waxay kaloo soo booqdeen dhismaha Xabsiga cusub oo hada shaqadiisu socoto, kormeerka ay waftigu ku tageen goobahaan waxaa wehliyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Dekadaha iyo Ladagaalanka Burcad Badeedka iyo Wasiirka caafimaadka PUntland.
Jarmalku waxay bixinayaan Malaayiin Dollar oo lagula dagaalamayo Burcad badeedka, waxaa kaloo mashaariicda kamid ah sidii loo jihayn lahaa dhalnyarada Puntland iyo kuwa kale ee Soomaaliyeed ee Burcad badeedka ah.





