Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa ka dhacday Dugsiga ugu Faca weyn dugsigyada Puntland ee Imaamu Nawaawi, xafladda ayaa ku beegnayd xuskii asaasidii Dugsiga oo ay kasoo wareegtay 20 sano.
Burburkii dowladii dhexe ee Somalia waxaa la dumay dhamaan kaabayaashii bulshada oo ay ugu horeysay Waxbarashada, waxaana muhiim ahayd in kaalintaa la buuxiyo si bulshada dhibta soo gaartay ay uga kabato. Waxaa 1992 Hay’adda Wadaniga ah ee Tadamun ay aasaastay Dugsigii ugu horeeyey ee burburka ka dib la furo waxaana loo bixiyey Imaamu Nawawi iyada oo loogu magac daray Caalimkii weynaa ee Shaaficiga ahaa.
Dugsiga ayaa soo maray heerar kala duwan, waxaana macallimiin bilowgiiba kasoo noqday Macallimiin Masaari ah,iyad oo xilligaas macallin yari ay jirtay, wuxuuna dugsigu furay kulliyad lagu soo saarayay Macallimiinta si baahidaas loo kabo oo fasalada soo badanayey loogu helo macallimiin wax dhigta .
Waxaa kamid ahaa dadkii dadaalkaas wayn qabtay ilaahayna kugarab galay:
1-Siciid Abdullahi Deni
2-Yusuf Ali Bihi
3-Macallin Faarah Mohamed Hussien
4- Osman Xaaji Mire
5- Yusuf Suudi Abdi
6- Sh Ahmed Abdi Mohamed.
7- Abdirashiid Suleiman Yusuf
Ujeedooyinkii loo aasaasay Dugsiga:
Ø In jiilka cusub ee waayey adeegii tacliin ee dowladeed loo helo wax daboola baahidooda.
Ø In la helo jiil ku hubaysan tacliin iyo qiyam Islaamiya, kana fayow cudurada bulshada aafeeyey.
Ø In laga qeyb qaato dib u dhiska dalka.
Ø In la helo dad ka qeyb qaata hogaaminta dalka dhinacyada tacliinta, dhaqaalaha, siyaasada iyo bulshaba.
Dugsiga waxaa gacanta ku haysay oo dhinac walba ka caawisa hay’ada wadaniga ah ee Tadaamun.
v Dugsiga waxaa loodkii ugu horeeyey ka qalin jebiyeen sanadkii 2000,dhamaantoodna hay’ada Tadaamun waxay siisay deeq waxbarasho oo dalka Suudaan ah.
v Tirada ardayda kaqalin jebisay guud ahaan dugsiga waa 1181 raday oo maanta mas’uuliyaad kala duwan kahaya dalka iyo dibadiisaba iyagoo shahaadooyin kala duwan wata.
v Dugsigu wuxuu laamo kuleeyahay dhamaan gobolada puntland,waana 25 dugsi(shan ay dugsi sare ay tahay).
v Ardayda dhigata hada guudahaan waa ku dhowaad 10,000 oo arday.
v 250 macalin ayaa ka shaqeeya,iyadoo Hay’ada Tadaamun ay sanad walba siiso Tababaro kor loogu qaadayo xifadooda macalinimo.