Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

W.Amniga Puntland oo la kulmay Jaaliyadda PL ee dalka Cumaan

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
AhmedBoqor
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2986
Joined: Thu Jul 28, 2011 3:50 am

W.Amniga Puntland oo la kulmay Jaaliyadda PL ee dalka Cumaan

Postby AhmedBoqor » Sun Apr 22, 2012 2:25 am

Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dowladda Puntland Co/.Khaliif Ciise Mudan oo maalmahaan booqasho howleed ku joogay dalka Cumaan ayaa caawa kulan la qaatay Jaaliyadda Puntland ee ku dhaqan dalkaas.

Kulanka ayaa ka dhacay magaalada Salalah gobolka Dufaaf ee Dalka Cumaan waxaana kasoo qaybgalay Ganacsato,Cuqaal,Dhalinyaro,Arday iyo Haween.

Dadka ka hadlay kulanka waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee Cumaan Barkhad Sheekeeye,Ganacsade Cabdishakuur Siciid,Ganacsade Aadan Soodaani,Ganacsade Xabiib Mire,Faarax Xaaji Mire oo ka tirsan Shirkada Golis iyo dad kale.

Kulanka dhexmaray Wasiirka iyo Jaaliyadda Cumaan ayaa ku saabsanaa arrimaha Ganacsiga iyo la dagaalanka kooxaha Burcad badeeda oo halis ku noqday ganacsiga labada dhinac ee Cumaan iyo Puntland.

Waxaa la isku raacay in hal meel looga soo wada jeeso,waxaana sidoo kale la iskusoo qaaday arrimaha dukumintiyada foojariga iyo sidii looga hortagi lahaa.

Wasiirkii hore ee Ganacsiga Puntland C/samad Yuusuf Maxamed (Abwaan) oo ka tirsan Jaaliyadda Cumaan iyo Imaaraatka Carabta oo Booqasho Ku Jooga Dalka Cusmaan ayaa kulanka kasoo jeediyay hadalo qiimo badan isagoo ganacsatada usoo jeediyay in ay Dowladda kala shaqeeyaan amaanka iyo horumarka.

Ugu dambeyntii Wasiirka Amniga Co/.Khaliif Ciise Mudan oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in ay dhamaan wax ka qabanayaan caqabadaha hortaagan ganacsatada iyo Jaaliyadda,waxaana uu ka codsaday Jaaliyadda in ay amaanka kala shaqeeyaan.

Wuxuu u sharaxay Jaaliyadda dadaalka ay Dowladda Puntland wado sida nabadgalyada,horumarka,arrimaha dimoqraadiyada iyo sidii Dowlad Soomaaliyeed loo heli lahaa.

Jaaliyadda dalka Cumaan ayaa dhinaca kale soo dhoweysay ansixintii dastuurka cusub ee Puntland iyagoo talaabo horumar balaaran ku tilmaameen isla markaana loo gudbaayo nidaamka xisbiyada badan.
Image
Image
Image

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 1 guest