Bali-busle ( APL ): Magaalada Bali Busle ee Gobolka Mudug waxaa shalay gaaray Wafti balaaran oo uu hogaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdile iyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Jamac Yusuf Tigey, waxaana waftiga kamid ahaa Ganacsato iyo qurba joog.
Waftigaan ayaa markey yimaadeen Balibusle waxaa soo dhaweeyey Masuuliyiinta deegaanka iyo shacabka magaalada, Tan iyo markay kasoo ambabaxeen Magaalada Gaalkacyo waxay waftigu cagta soo mariyeen tuulooyinka u dhexeeya Balibule iyo Gaalkacyo oo ay kamid ahaayeen Godod, Gacma-fale,Tuulo Guuco iyo Ceelbardaale .
Waftiga Gobolka Mudug waxaa weheliyey Qurba joog ka timid Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Maraykanka oo kala ahaa Siciid Cartan , C/risaaq Nuur Cirfe , Maxamuud C/raxmaan Xaaji Jaamac (Tarabi), Faarax Cali Maad iyo C/risaaq Maxamed Guure.
Ujeeda safarkaan ayaa ahayd iney waftigu dhagax dhigaan Dugsi Sare e laga dhisayo Magaalada Balibusle, dugsigaan ayaa la qorshaynayaa inay ka faaiideystaan dhamaan dadka degan deegaanada ku teedsan Bali Busle, kuwasoo awakl Caruurtooda u diri jirey meelo aad uga fogfog.
Xafiiska Wararka Allpuntland Gaalkacyo.






















