PM Abdiwali response to Puntland concerns
Posted: Sat May 12, 2012 4:05 pm
Puntland raised some 36 relevant issues which it has with the new draft... all sticky issues concerning federalism and how the sharing of natural resources should be allocated. Yet the PM puts such sticky points on bar with non sticky issues such citizenship, language and our religion which are all things we share that could be easily overcome.Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in fikirka Puntland ee Dastuurka uu la mid yahay midka ay dadku qabaan
Sabti, May 12, 2012 — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay in fikirka ku aaddan dastuurka ee Puntland ayaa ku sheegay mid la mid ah fikirka ay dadku ka qabaan dastuurka.
Ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay inaan xilligan aan dastuurka loo qaadi karin afti dadweyne, balse loo qaadi doono markii la gaaro waqtigeeda, inta ka horreysana wax laga bedeli karo waxna lagu dari karo.
"Dad badan ayaa fikirro ka qaba dastuurka, fikirka ay soo jeedisay Puntland kuwaas ayuu la mid yahay," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha oo sheegay inay lagama maarmaan tahay in la helo dastuur looga gudbo axdiga KMG ah ee hadda lagu shaqeeyo.
Maamul-goboleedka Puntland ayaa sheegay in 36-qodob oo ku jira dastuurka cusub ee la doonayo in la ansixiyo aysan ku qanacsanayn sida ay u qoran yihiin sidaad daraadeedna ay tahay in la bedelo inta aan la ansixin.
Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa lagu dalbaday in shir lagu dhameynayo kala fikir duwanaasha soo dhexgashay DKMG iyo Puntland lagu qabto dalka Itoobiya ama Kenya midkood.
Hadalka ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa u muuqda inaysan dowladdu doonayn in laga laabto ansixinta dastuurka oo shirkii lagu soo xulayay ergadii ansixin lahayd uu ka socdo Muqdisho.
Muranka ku saabsan dastuurka ayaa wuxuu soo billowday markii dowladda KMG ah ay sheegtay in la ansixinayo, balse fikirka Puntland ayaa noqonaya mid aad u soo dib-dhacay wuxuuna maamulku ku sheegay inay taasi ku timid guddi kasoo talo-bixiya oo loo saaray.
What a disappointment.