Garoowe [RBC Radio] Ergadda Puntland uga qeybgalaysay Shirka Odayaasha ee Muqdisho ka soconaya oo maanta soo gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garoowe ayaa ka hadlay sababah keenay in xiligaan ay kasoo baxaan Shirka la doonayo in lagu ansixiyo Dastuur ay yeelato Soomaaliya.
Ergadda oo Aqalaka Madaxtooyada Puntland kula hadlay Saxaafadda ayaa tilmaamay in Sababaha keenay in ka baxaan Shirka ay ahayd iyadoo aysan diyaar ahayn Barnaamijka Shirka looga hadlaayey isla markaana ay ka door bideen in ay dib ugu laabtaan Shacabka reer Puntland si ay talo uga qaataan.
Afhayeenka Isimada Puntland Garaad Cabdillaahi Cali
Afhayeenka Isimada Puntland Garaad Cabdillaahi Cali oo kamid ahaa Ergadda Puntland uga qeybgalaysay Shirka Muqdisho ayaa sheegay in Shirka gebi ahaantiisaba uusan ahayn diyaar markii ay tageen xili kastana ay kusoo biirayaan Odayaal dhaqameed badan isla mar ahaantaana aysan haba yaraatee jirin Shir ay ka qeybaleen aan ka ahayn Furitaankiisa.
Garaadku waxa uu tilmaamay in Shirka Muqdisho aysan uga bixin caro iyo bahdil balse ay go’aan sadeen in ay talo iyo turxaan bixin kula laabtaan Shacabka reer Puntland ee ay u matalayeen Shirka ayna Jecel yihiin in markastaba ka shaqeeyaan midnimada Shacabka Soomaaliyeed.
Imaatinka Ergadda Puntland ayaa kusoo beegmaysa xili maalmo ka hor Dawladda Puntland ay sheegtay in aysan marnaba kalsooni buuxda ku qabin Dastuurka Federaalka isla markaana ay haboontahay in wax ka badel lagu sameeyo Qodobada ku qoran Qabyo Qoraalka.
Raysalwasaare Gaas oo ka hadlay go’aanka Puntland ka qaadatay Dastuurka Fedraalka ayaa ku sifeeyey in uu yahay arrin u gaar ah isla markaana ay mar kasta maqlaan dad dhaleeceyna Dastuurka kuwaasna aysan waxba ka duwanayd.
Si kastaba lama Saadaalin karo sida uu noqonayo Ansixinta Dastuurka Federaalka oo ay Dawladda KMG ah doonayso in la ansixiyo iyadoona Puntland ka biyo diiday Qodobada qaar ee ku jira Qabyo qoraalka Dastuurka balse la arki doonee sida ay wax noqdaan