Degmada Baargaal ee gobolka Bari waxaa xalay ku geeriyoodey AHN nabadoon Cali Axmed Cali (Cali Kolom).
Nabadoonka oo kamid ahaa waxgaradka ugu caansan Puntland gaar ahaa gobolka Bari wuxuu xalay fiidkii u geeriyoodey jirro uu in muddo ah u xanuunsanaa.
Waxaana lagu xusuusan doonaa kaalintii uu ka qaadan jirey nabadeynta beelaha iyo xalinta khilaafaadka isagoo ahaa shakhsi bulshada dhexdeeda ixtiraam weyn ku lahaa aadna loo jecel yahay.
Geerida nabadoonka waxaa si aad ah uga tacsiyeeyey guud ahaan Isimada iyo waxgaradka Puntland qaar ahaan Isimada shirka odayaasha ee Muqdisho Puntland uga qayb gelaya kuwaasoo ay kamid yihiin:
Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Cismaan.
Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin.
Beeldaaje Cali Faarax.
Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin.
Jaamac Beeldaaje Xaaji Cabdilaahi.
Suldaan Cabdiqani Suldaan Xasan Cali Baalle.
Suldaan Maxamed Axmed.
Iyo Suldaan Cabdiqaadir Faarax Shabeel.
AHN nabadoon Cali Axmed Cali (Cali Kolom) waxaa saaka lagu aasayaa isla degmada Baargaal.




