Postby AhmedBoqor » Wed May 23, 2012 7:02 pm
Wafdi Ballaaran oo uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Bari C/samad Maxamed Galan ayaa Booqasho ku Tegay Magaalooyinka Karin iyo Yalho oo ka wada tirsan Gobolka Bari.
Wafdiga Gudoomiyaha ayaa Waxa ka Mid ahaa -Duqa Degmada Bosaaso Dr.Xassan Cabdalla Xassan, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta aagaga Karin iyo Yalho Co/.Bashiir Siciid Aadan (Bashiir Doolli) iyo Salaadiin iyo waxgarad kasoo jeeda degaanada Karin iyo Yalho .
Booqashada Wafdigan Ballaaran ayaa la Xariirta Sidii Dadweynaha ku dhaqan Magaalooyinka Karin iyo Yalho Xog waraysi loola Yeelan lahaa ,si loo helo xogta dhabta ah ee ka Danbaysa in Ciidamado Alshabaab ah oo xiliyada Habeenkii qaab dhuumaalaysi ah kusoo gala Magaalooyinka Karin iyo Yalho.
Wafdiga Dowlada ee Booqashada ku tegay deenaadaasi iyo waxgaradka degaanada kor ku xusan ayaa Waxay kulamo gooni gooni ah ka yeesheen Amuurtan ugub.
Kulamadaasi ayaa waxa la isku afgartay in si wada jir ah looga hortago khatarta weyn ee kusoo Kororta degaanada karin iyo yalho oo ah degaano mudo dheer ku caan ahaa nabad iyo xasilooni Buuxda.
Gudoomiyaha Golaha Degaanka ahna Duqa Degmada Bosaaso Dr.Xassan Cabdalla Xassan oo Shabakada Caalamiga ah ee Raadreeb Xiriir la samaysay ayaa noo sheegay in dadka degaanka iyo Maamulka degmada Bosaaso ay wada shaqayn buuxda kala Saxiixdeen isagoona carabaabay in ay si wadajir ah ay uga hortagi doonaan khatar Walba oo ka timaada dhanka Argagaxisada Alshabaab ee Saldhigyada ku leh Degaanada Galgala ee ay Jaarka Yihiin Magaalooyinka Karin iyo Yalho.