Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Seychelles welcomes delegates from Republic of Puntland

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
maybe
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 848
Joined: Sat Oct 15, 2011 7:34 pm
Location: From the lakes of Minnesota

Seychelles welcomes delegates from Republic of Puntland

Postby maybe » Wed May 30, 2012 2:00 am

Seychelles (Puntlandi.com):- Wafdi ka socda dawlada Puntland oo uu hogaaminayo Wasiirka Dekadaha,Gadiidka badda iyo Ladagaalanka Burcad-badeedka Eng, Saciid Maxamed Raage ayaa gaaray Jasiirada Seychelles halkaas oo ay kula kulmeen Masuuliyiinta Jasiiradaasi sidoo kalana ay booqdeen xabsiyada ay ku xiran yihiin dhalinyarada burcad badeednimada ku eedaysan.

Wafdiga Wasiirka ayaa magaalo madexda Jasiirada Seychelles ee Victoria waxay kula kulmeen Masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka Arrimaha gudaha iyo Gadiidka Seychelles Joel Morgan oo ay aad uga wada hadleen arrimaha la xiriira la dagaalanka burcda badeeda, dhibaatooyinka ay ku hayaan marin biyoodka Caalamka iyo arrimo kaloo la xiriiro maxkamadaynta iyo siihayntooda xabsiga kadib.

Wafdiga Wasiirka Dekadaha,Gadiidka badda iyo Ladagaalanka Burcad-badeedka Eng, Saciid Maxamed Raage ayaa waxaa ka mid ah Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland iyo Saraakiil ka socotay Hay’adda UNODC iyo xubno kaloo farabadan ayaa waxay masuuliyiinta Seychellesa aad ugala hadleen hawgalada lagula dagaalamayo burcad badeeda, Maxkamadayntooda iyo dhamaan arrimaha la xiriira burcadda.

Waxaa aad la isula soo qaaday saamaynta burcda badeedu ay ku yeelatay isu socodka gaadidka bada iyo ganacsigii Caalamka.

Shir-saxaafadeed ay si wada jir ah u qabteen Masuuliyiinta Puntland iyo Seychelles ayaa waxay ku cabireen dareenkooda la xiriira iskaashiga labada dhinac ee arrimaha la dagaalanka burcad badeeda.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Seychelles Joel Morgan oo ugu horayn shir-saxaafadeedkan ka hadlay ayaa sheegay in dowlada Puntland ay wada shaqayn dhow la leedahay Jasiirada Seychelles islamarkaana ay kala saxiixdeen heshiis la xiriira soo wareejinta burcad badeedka iyo sidii maxaabiista Burcad-badeednimada ku eedaysan ee Somaaliyeed ay u heli haayeen maxkamadayn cadaalad ah.

Joel Morgan wuxuu aad u soo dhoweeyay hawlgalladii ugu dembeeyay ee dawlada Puntland ay ku baacsatay Kooxaha burcad badeeda ah iyo sidoo kale hawgalada la dagaalanka Burcad-badeedda ee guud ahaan xeebaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dawlada Puntland ay ka caawinayaan Gadiidka badda iyo dhiirigalinta kaluumaysatada Soomaaliyeed.

Wuxuu kaloo wasiirku sheegay in dawlada Puntland ay ka caawinayaan tababarka Ciidamada Asluubta ee xabsiyada si hawsha ay qabanayaan ay u noqoto mid sharciga waafaqsan islamarkaana nadiif ah.

Wasiirka Dekadaha,Gadiidka badda iyo Ladagaalanka Burcad-badeedka Eng, Saciid Maxamed Raage oo isna hadal kooban jeediyay ayaa dhiirigaliyay dadaalka Seychelles la garab taagantahay Umada Puntland iyo sida ay xilka isaga saartay qaybta ugu weyn in ay ka qaadato la dagaalanka burcda badeeda, wuxuuna ka codsaday in ay laba jibaaraan dadaalkan iyo iskaashiga ay la leeyihiin dawlada Puntland.

Intaasi kadib wafdiga Wasiirka Dekadaha,Gadiidka badda iyo Ladagaalanka Burcad-badeedka Eng, Saciid Maxamed Raage waxay booqdeen xabsiyada ay ku jiraan maxaabiista soomaalida ah ee ku eedaysan burcad-badeednimada, waxayna kulamo la qaateen masuuliyiinta xabsiyadan iyadoo sidoo kalana ay la hadleen maxaabiista soomaaliyeed ee xabsiyada ku jirta.

User avatar
maybe
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 848
Joined: Sat Oct 15, 2011 7:34 pm
Location: From the lakes of Minnesota

Re: Seychelles welcomes delegates from Republic of Puntland

Postby maybe » Wed May 30, 2012 2:06 am

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

User avatar
maybe
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 848
Joined: Sat Oct 15, 2011 7:34 pm
Location: From the lakes of Minnesota

Re: Seychelles welcomes delegates from Republic of Puntland

Postby maybe » Wed May 30, 2012 2:11 am

Image
Image
Image

User avatar
maybe
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 848
Joined: Sat Oct 15, 2011 7:34 pm
Location: From the lakes of Minnesota

Re: Seychelles welcomes delegates from Republic of Puntland

Postby maybe » Wed May 30, 2012 2:13 am

Image
Image
Image
Image


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests